Akhriso Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya oo ka hadlay xasaraddii ka dhalatay xarigga siyaasi C/raxman C/shakuur

21 Dec  2017 (Puntlandes) Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa war ka soo saaray xasaradda ka dhalatay xarigga siyaasi cabdiraxmaan cabdishakuur oo xabeenkii Axadda Ciidanka Nabad Sugidda Qaranku ay soo qabteen,kadib weerar dhiig ku daatay oo lagu qaaday hoygiisa magaalada Muqdisho.

6

Qoraal ka soo baxay Madasha ay ku midaysan yihiin Dowlad Goboleedyada ayaa ugu horrayn tacsi loogu diray dhamaan intii wax ku noqotay weerarkaas,sidoo kale golaha ayaa sheegay in Magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalatay weerarka,taasoo haddii aan si deg deg deg ah loo xallin saamayn xooggan ku yeelan karta deganaanshaha iyo xasiloonida.

Golaha ayaa ka digay in denbi laga dhigo ra’yiga siyaasiyiinta iyo in awoood ciidan loo adeegsado dadka afkaartooda u cabbiraya sida Dastuurku qabo,wuxuuna si gaar ah uga digay in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Militariga loo adeegsado arrimaha madaniga ah.

Akhriso qoraalka Madasha
10

11
Puntlandes.com

About The Author