Dhagayso: Wasiirka Amniga oo Raalli Gelin Ka Bixiyay Dhacdadii C/raxmaan C/shakuur

21 Dec  2017 (Puntlandes)  Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa raalli gelin ka bixiyay falkii habeenkii Axadii lagu weeraray guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
31c4

Wasiir Ducaale oo ka hadlayay Gogol ay dhigeen Duubabka dhaqanka oo loo geeyay markii la sii daayay C/raxmaan C/shakuur ayaa ka sheegay in wixii dhacay ay raalli gelin ka bixinayaan.

“Naga raali ahaada, wiilashiina oo wax ku dheelay ayaan nahay, raalli gelin ayaan bixineynaa,Waxaan leeyahay Walaalkeen C/raxmaan wixii gaaray alle haka caafiyo, wixii kalena fadhi kale iyo gadaal ayaa looga hadlayaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Dhagayso wasiirka oo raalli gelinta uu bixiyaya


Puntlandes.com

About The Author