Dhagayso: Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xoryaddiisa dib ugu soo celiyay C/raxmaan C/shakuur diidayna Racfaan laga qaatay

21 Dec  2017 (Puntlandes) Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa goor dhow ku dhawaaqday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kaddib markii ay maanta fadhi ka yeelatay dhageysiga dacwada loo heystay.

7

Xeer Ilaalinta ayaa Maxkamadda ku horkeeni weyday caddeymo rasmi ah muddo 24 saac loo siiyay, waxaana ay ku guuldareystay dalabka ah in muddo 5 cisho la siiyo, si ay baaritaanka u sii dhameystirto.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh Maxamed ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda, kaddib markii uu akhriyay dhamaan waraaqadihii loo keeno iyo qodobo ka mid ahaa xeerka ciqaabka Soomaaliyeed, waxaana uu caddeeyay in aan wax dambi ah loo heysan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sheegay in aan ogolaansho Maxkamadeed lagu soo xirin C/raxmaan C/shakuur, isla markaana xarigiisa ahaa mid aan sharciga waafaqsaneyn.

“Maadaama aan markii hore lagu soo qaban ogolaansho Maxkamadeed, ayaa waxay amartay Xafiiska Xeer Ilaalinta inay keento muddo 24 saac caddeymo, xafiiska xeer ilaalinta wuxuu ku guuldareystay inuu keeno caddeymo dhameystiran, Maxkamadda waxay xoriyadiisa u soo celisay C/raxmaan C/shakuur”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir oo intaa ku daray in aan wax racfaan laga qaadan karin

Intaas kaddib ayaa waxaa goobta is qabsaday sawaxan iyo sacab, dadkii goobta ku sugnaa ay mar qura isla heleen, waxaana loogu hambalyeynayay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur xoriyadii ay dib ugu soo celisay Maxkamadda.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa lagu wadaa inuu shir jaraa’id qabto, oo uu uga hadlayo xariggii loo geystay iyo weerarkii lagu soo qaaday gurigiisa

Dhagayso Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqaysaa go’aanka
aaaa


Puntlandes.com

About The Author