Madaafiic Hoobiyeyaal oo lagu weeraray Madaxtooyada

23  Dec  2017 (Puntlandes) Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa maanta barqadii ku soo dhacay agagaarka Xarunta Madaxtooyada, iyadoo madaafiicdaas laga maqlayay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

30a3

Qof goobjooge ah oo ku sugnaa xaafadaha ay madaafiicda ku soo dhaceen ayaa u sheegay warbaahinta in illaa saddex madfac ay ku soo dhaceen agagaarka 15 May iyo caga-dhiig oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliaya.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay madaafiicda, iyadoo dadka deegaanka ee ku noolaa xaafada madaafiicda ku soo dhaceen argagax iyo cabsi la soo deristay.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Madaxtooyada, waxaana warbaahinta afkooda ku hadlay ay sheegeen in 8 madfac ku weerareen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan madaafiicda ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow Madaxtooyada.

Puntlandes.com

About The Author