Sawirro: Agaasimaha cusub ee wasaarada Deegaanka Puntland oo xilkii la wareegay.

23  Dec  2017 (Puntlandes) Xarunta dhexe ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL waxaa maanta ka dhacday xaflad uu xilka kula wareegayey agaasimaha cusub ee dhawaan loosoo magacaabay wasaarada Deegaanka Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor), xafladan waxaa ka qaybgalay wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, saraakiil ka socotay madaxtooyada Puntland, agaasimeyaasha, madaxqeebeedyada iyo qaybaha kaladuwan ee shaqaalaha wasaarada Deegaanka DPL.

Maxamed Ciise Maxamed oo ahaa kusiimaha agaasimaha Guud sidoo kalena ah agaasimaha waaxda isbedelka cimilada ee wasaarada Deegaanka ayaa warbixin ka siiyey agaasimaha cusub ee wasaarada Deegaanka hab dhismeedka shaqo ee wasaarada Deegaanka, shaqaalaha, xafiisyada iyo isku dubaridka mashaariicda waawayn ee ay wasaarada Deegaanku ku mashquulsantahay waxaana uu dhanka kale kawaramay sida loo maamulo howlaha wasaarada Deegaanka iyo halka ay marayso shaqada wasaaradu waxaana uu tilmaamay in wasaaradu ay maamusho shaqo baaxadwayn oo dhanwalba leh una baahan in lasii labajibaaro.

Liibaan Maxame Faarax iyo Maryan Maxamed Adam oo kamid ah agaasimeyaasha  Waaxyaha ee wasaarada Deegaanka ayaa Iyana dhankooda soo dhaweeyey agaasimaha cusub ee wasaarada waxaana ay sheegeen in ay si dhow ula shaqayn doonaan.

Agaasimaha cusub ee wasaarada Deegaanka Mudane Cabdicasiis Nuur Cilmi ayaa markii uu xilka la wareegay kadib sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu kusoo biiray wasaarada Deegaanka waxaana uu sheegey in uu rajaynayo inuu horey u wada shaqada wasaarada, Mudane Koor dhanka kale wuxuu sheegey in uu shaqaalaha wasaarada Deegaanka uga mahadcelinayo shaqada culus ee ay dadkooda u hayaan wuxuuna sheegey inuu ku taageeri doono shaqaalaha wasaaradu howlaha ay hayaan islamarkaasna uu noqon doono qof shaqada socodsiiya oo howlaha wasaarada isku dubarida uuna qof walba ku ixtiraami doono shaqadiisa.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Mudane, Maxamuud  Ciise Xaaji Maxamed “Maareeye” oo soo xiray xaflada xilwareejinta ah ayaa sheegey in uu marka hore soo dhawaynayo agaasimaha cusub uuna kusoo dhawaynayo wasaarad ay hogaanka u hayaan shaqaale dhalinyaro ah oo jecel inay dalkooda iyo dadkooda wax u qabtaan, Wasiir Maareeye dhanka kale wuxuu sheegey in wasaarada Deegaanka DPL ay tahay wasaaradaha ugu shaqada badan wasaaradaha dawlada Puntland islamrkaasna ay ka fogtahay isqabqabsi taasna ay sabab u yihiin shaqaalaha wasaarada oo aqoon u leh shaqada ay qabanayaan iyo halka ay wasaaradu u socoto, Wasiirkuxigeenka Deegaanku wuxuu dhanka kale u mahadceliyey agaasimihii hore ee wasaarada Deegaanka Muna Daahir Dalmar oo uu sheegey inay shaqada meel wanaagsan soo gaarsiisay.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17
Puntlandes.com

About The Author