Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

24  Dec  2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa Qoraalo taxane ah oo Taliye Jeeniqaar Sheekh Cumar ka qoray magaalada Gaalkacyo oo uu safar nabadayn ah ku tagay Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdiwali Jaamac Gorod, isagoo Gaalkacyo uga hormaray wafdiga Taliyaha si uu ugu gogol xaaro.

Taliye Jeeniqaar ayaa qoraalka uu kusoo daabacay bogga uu ku leeyahay Facebook-ga wuxuu si qoto dheer ugu iftiiminayaa xaalada magaalada Gaalkacyo, hoos ka akhriso qaybta koowaad.

 

Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

Waxa aan safar shaqo oo muddo kooban qaatay u aadnay dowladgobeedka Soomaaliyeed ee Puntland. Ujeedka ugu weyn ee safarku waxa uu ku saabsanaa ciidammo Puntland soo gudbisay oo ka mid noqon doona ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Si mug iyo miisaan leh ayaa na loogu soo dhaweeyey caasimadda Garoowe, siiba xerada ciidanka 54-aad iyo madaxtooyada ayaa aad iyo aad isugu xilqaamay soo dhawayntayada mahad gaar ah ayaa aan u celinayaa.

Intii aan halkaas ku sugnayn waxaa naloo qabtay xaflado kala duwan oo dhammaantood ku saabsanaa arrimaha ciidanka xoogga dalka. Waxa aanan illaawi doonin suugaantii kala duwanayd ee ay soo jeediyeen suugaanleydii kulammadaas joogtay.

Inta badan, waxa aad looga hadlayey la islana qaatay in la joogo xilligii Soomaaliya u baahnayd ciidan Soomaaliyeed oo dhisan, waajibaadkooda qaranna guta.

 

Safarkii Mudug

30a5
Muddo kooban ka dib waxa aan anigu u soo safray gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Waa magaalo Soomaaliyeed oo aniga saameyn gaar ah igu leh maaddaama aan ka soo jeedo, in kasta oo aan imaan jirey haddane xaaladdeeda hoose in badan oo ka mid ahi waa ay iga dahsooneyd. Ujeedku waxa uu ahaa in aan ka sii hormaro wafdiga uu hoggaaminayo taliye Gorod Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Waxa aan soo galay safar dhulka ah oo muddo qaatay.

Dhulka aan marayna waxa uu u badnaa doog roobkii dayrtu maasheeyey, in kasta oo meelaha qaar uusan ku badnayn.

Waxa aan aad uga helay uguna riyaaqay xasiloonidii amni ee aan waddadaas dheer ku maraynay uguna xaragoonayanay. Waana wax Alle looga mahadiyo.
Waxa aan xiriir la sameeyey inta badan masuuliyiinta labada dhinac ee magaalada. Dhanka Puntland waxa aan aad isula soconnay duqa degmada Maxamuud Yaasiin Tumey oo markii hore Xamar naga soo raacay. Waxaanna ka wada hadalnay sidii la isaga kaashan lahaa soo dhawaynta Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo magaalada ku soo wajahan.

Ujeedkuna waxa uu ahaa in Gaalkacyo oo midaysani soo dhawayso taliyaha. Dhanka ciiddammada Puntland xiriir fiican ayaan iyana la lahayn oo inta badan waaxaan wada hadlanay laamaha aminiga ee kala duwan waxaana ku wargaliyey socdaalka Taliyaha.
Waxa kale oo aan wacay intii aan safarka soo ahaa nin aan aad saaxiibbo u nahay oo dhanka Galmudug jooga waxa aanna ku wargeliyey in aan magaalada u soo socdo, ayna muhiim tahay in aan is aragno si aan arrimo badan isula meel dhigno imaanshaha Taliyaha ka hor.

Waxa uu hadal iiga bilaabay: “Saaxiiboow, xaaladdu sida aad moodday ma ahan, meeshaan la isuma gudbo anigu awood uma lihi in aan dhankaas imaado oo aan ku kulanno, adiguna xilli habeen ah ayaad magaalada ku soo beegantahay oo waa ay adkaanaysaa in aad halkaan timaaddid. Marka bal markii aad timaaddid aan ismaqalno oo aan aad uga fekerno sidii aan yeeli lahayn iyo qaabka ugu macquulsan ee aan ku kulmi karno”.
Aad iyo aad ayaa aan u dhibsaday hadallada ka soo yeerayey saaxiibkey, waxa aan is weyddiinayey weyddimo tiro beel ah oo ku aaddan sida hal magaalo oo dad walaalo ahi wada daganyihiin aysan isugu gudbi karin. Gadaal ayaa aanse wax badan ka ogaan doonaa.
Aan safarkii ku sii soconnee waxaa aan magaalada ku soo aaday xilli habeen ah, waxa aanna go’aan ku gaaray in aan toos ugu gudbo dhanka Galmudug si aan ula kulmo saaxiibkii aan soo xusay. Waxa aan toos u dhexmaray magaalada illaa aan ka gaaray huteelka ‘Five Star’ ee ku yaalla dhanka Galmudug. Waa aan wacay una sheegay in aan hoostaagnahay huteelkaas. Hadallo canaan xanaaqna ku jiro oo aanan wax badan ka xasuusan ayuu igula hadlay, waxa uuna aad uga murugaysnaa xaaladdayda iyo waxa aan la kulmi doono.

Daqiiqado ka dib ayuu ii yimid isaga oo ordaya oo mawacista tafta haysta garanna qaba dhidid bandanna ka qubanayo.
Ka dib maxaa dhacay la soco qeybta labaad insha Allaah.

30a4
W/Q: Taliye Jeeniqaar.

About The Author