Dagaal ka dhacay deegaan ka tirsan koonfurta Gobolka Sool

23  Dec  2017 (Puntlandes) Dagaal qaraar ayaa waxa uu saaka ka dhacay deegaanka Qoriley oo  ku taal koonfurta Gobolka Sool, isagoo u dhexeeya beelo walaalo ah kasoo kala jeeda Mudug iyo Sool.

18

Sida ay warbaahinta Puntlandes ogaatay waxaa ku dhintay dagaalkii maanta ugu yaraan 10 qof oo kasoo kala jeeda labada dhinac ee dagaalamayey, halka uu dhaawacuna intaas ka badan yahay.

Dagaalka ayaa waxaa loo adeegsaday hubka culus oo tikniko ah, dadkii xoolo dhaqato ahaa ee deegaanka way ka barakaceen aaga dagaalka iyaga iyo xoolahoodaba.

Maalmo ka hor ayuu dagaal dhex maray labada dhinac waxaa ku dhintay 10 qof dad gaaraya, iyadoo uu dhaawacuna intaas ka badnaa.

Puntlandes.com

About The Author