Sawirro: Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo booqasho ku tagay Degmada Bursaalax

26  Dec  2017 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Horumarinta reer Miyiga Puntland Cabdulaahi Cali Xirsi Timacade ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 25ka desember 2017 booqasho ku tagay Degmada Bursaalax.

Wafdida wasiirka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaalada dawlada Puntland Dr Abdifataax Xasan Xuseen iyo Agaasiha Guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha & Horumarinta reer Miyiga Maxamed Cali Nuur (jubba), iyadoo uu Bursaalax si diiran ugu soo dhaweeyey Gudoomaiya Degmada Bursaalax Maxamed Saleebaan Diiriye.

Ugu horay Gudoomaiya Maxamed ayaa kusoo dhaweeyey wafdiga wasiirka xarunta Degmada Bursaalax, iyasagoo uga warbixiyey xaalada guud ee ay Degmadu ku sugan tahay sida Amniga, tayeyta maamulka Degmada iyo horumarinta ka socota Degmada.

Wafdida wasiirka wasiirka Arimaha Gudaha ayaa waxay kormeey u kuurgelid ah ku tageen xarunta Barakacayaasha ee Degmada Bursaalax iyo qaybo kale oo ka tirsan magaalada Bursaalax.

Daawo sawirrda
18a

18b

19

20

21
Puntlandes.com

About The Author