Magaalada Baydhabo oo furay shirka guddoonada golaha shacabka federaalka iyo kuwa maamulada

26  Dec  2017 (Puntlandes) Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa ka furay Shirka guddoonada Golaha shacabka Faderaalka Soomaaliya iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah.

22

Shirka ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari, isagoo shirku socon doono muddo seddex maalmood ah ajandaha kulanka  looga hadlayo waxa uu yahay qiimeeynta heshiiska is afgaradka.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Maxamed C/lla Cawad oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay fahmeen muhiimadda federaalka uu leeyahay mihiimna ay tahay in horumarka dalka laga wada shaqeeyo.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee J. F. S. Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in shirarka noocaan ah lagu horumarin karo wada shaqeynta iyo iskaashiga Dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada sidoo kale loo baahanyahay in dowlad goboleedyada laga qeyb geliyo sameynta shuruucda dalka.

Gudoomiyayaasha Golayaasha sharci dejinta dowlad goboleedayada ee shirka ka qeyb galaya ayaa dhankooda ka hadlay muhiimadda shirkan uu maamul goboleedyada u leeyahay.

Shirkan ayaa socon doona muddo sedax maalin ah iyadoo geba gabadiisana la filayo in qodobo laga soo saaro.

Xubnaha shirka ka qeyb galay oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha golaha shacabka JFS ayaa sidoo kale maanta kormeer ku tagay qaar ka mid ah xarumaha ay ku shaqeeyaan wasaaradaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author