Akhriso Maxkamadda Racfaanka G/Banaadir oo muddo cusub u qabatay dhageysiga dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur

27  Dec  2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Maxamed ayaa waqti cusub u qabatay kiiska dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur, iyadoo ku wargelisay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwadiisa, si uu uga soo qeyb galo.

shakuur

Warqadan ayaa lagu sheegay  in C/raxmaan aanu soo xaadirin fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwada oo maanta aheyd, isla markaana uu wakaaladii qareennimo kala noqday qareenadii u doodayay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 3-da bisha Janaayo ee sanadka cusub 2018 oo ku beegan maalinta Arbacada, marka saacadu tahay 10-ka subaxnimo.

Akhriso qoraalka Maxakamadda

27a3

Puntlandes.com

About The Author