Sawirro: Munaasabad lagu daah furayo Xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabanayo berri

27  Dec  2017 (Puntlandes) Wasiiru dowlada Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Cabdi raxmaan Kulmiye Xersi Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Maalinta Beri ah magaalada Muqdisho lagu qaban doono Munaasabad lagu daah furayo Xarunta lagala socon doono Maamulka Hawada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ay ku guuelysatay inay la soo wareegto maamulka Hawada Soomaaliya oo tan iyo sanadkii 1991 laga maamulayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana gacanta ku heysay Hay’adda ICAO.

Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in la rakibay dhamaan qalabkii lagu shaqeyn lahaa, shaqaalo badan loo tababarayo, iyadoo Madaxda dalka ay kasoo qeyb gali doonaan Munaasabada Daah furka.

Wasiiru dowlada ayaa sheegay in talaabadan ay tahay Guul usoo hoyatay Shacabka Soomaaliyeed, waxayna wax badan ka bedeli doontaa Dhaqaalaha Soomaaliya.

 

27a4

27a5

27a6
27

27a

27a1

27a2
Puntlandes.com

About The Author