Sawirro: Kulan looga hadlayo Horumarinta & Hal abuurkiisa oo ka furmay Muqdisho

?

28  Dec  2017 (Puntlandes) Hormarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa waa mid meel sare ka jooga Madaxda Qaranka kuwaas oo si-weyn u dhiiri galiya Barnaamijyada looga hadlayo qaabka Hormarinta Afka Soomaaliga.

Barnaamijkan ayaana ka mid ah kuwa looga hadlayo sidii jiilka soo koraya dhaxal wanaagsan u heli lahaayeen.

Waxaa soo qaban qaabiyey Akadeeye-goboleedka Af-Soomaaliga iyada oo kaashaneysa Warbaahinta Qaranka.

Waxaa ka soo qeyb galay Daahfurka Gudoomiyaha Aqalka Sare, Wasiirka Warfaafinta, Qubaro dhanka Af-Soomaaliga ah oo kala duwan, Golaha Abwaannada Soomaaliyeed, Madaxda Tiyaatarka Qaranka iyo Dhalinyaro ka shaqeeya Horumarinta Luqada Hooyo.

“Madaxda Qaranka ayaa howl badan ka qabtay in la sameeyo Xarunta Afka Hooyo taasna waxaa ay noo suurto galisay in wax badan noo qabsoomaan waana waxa Soomaaliya Meel Wanaagsan ku gaari karto Runtii” ayuu yiri Dr.  Maxamed Daahir Afrax Madaxa Xarunta.

Jaamacadda Ummadda ayaa ka mid ah Xarumaha qeyb fiican ka qaadanaya Horumarinta Af-Soomaaliga.

Prof. Maxamed Axmed Jimcaale oo ah  gudoomiyaha Jaamacadda Ummadda ayaa yiri
“SLY markii ay jirtay rag ayaa kashaqeynayey Afka Soomaaliga waana xili hore intii Dowladii kacaankana waxaa ay qorka Afka Hooyo waxaana laga dhaxlay waxa aad hada aragtaan runtii taas muhiimad gaar ah ayey ii leedahay taas”.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dad weynaha ee Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Ingeer Yariiso) ayaa sheegay in arrintan Muhiimad gaar ah u leedahay Wasaaradda Warfiinta iyo Guud ahaan Dalka.

“Xarunta Tiyaatarka Qaranka ee Golaha Murtida iyo Madadaalada dhawaan ayaa lagu sameyn doonaa Dayactir waxaana ay qeyb muhiim ah ka qaadan doontaa arrimaha Hormarinta Af-Soomaaliga”.

Gudoomiyah Aqalk Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa Daahfuray Madasha waxaana uu sheegay inay haboon tahay in markasta laga Shaqeeyo waxyaabaha fiican.

“Waxaan daahfuray Madasha Akadeemiyada Afka Soomaaliga waxaana haboon markasta in aan ka shaqeyno waxyaabaha fiican meelna aan iska dhigno waxyaabaha xun xun”.

Waxyaabaha la doonayo ayaa ah in la sameeyo kulamo Bilayaal ah kuwaas oo dhamaan lagu qabanayo Gobolada Soomaaliya waa mid ka mid ah Qorshayaasha Akadeeniyada.

?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?
?

Puntlandes.com

About The Author