Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran! (Qeybtii Shanaad)

27 Dec  2017 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa qormadii 5aad ee Taliye Jeeniqaar uu si qoto dheer ugu iftiiminayo xaalada magaalada Gaalkacyo, hoos ka akhriso qaybta shanaad.

1

 

 

Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran! (Qeybtii Shanaad)

Habaynkaas waxaa lagu wada seexday murugada iyo calool xumada ka muuqatey wajiyada ciidanka iyo dhammaan bulshadii ladareentahay Saamaynta murugada ciidanka ka muuqatey iyo dib u dhaca ku dhacay gobolka Mudug muddooyinkii dambe ee ay keeneen colaadihii is dabajoogey ee ku fiday dhammaan adeegyadii gobolka saameeyeyna horumarkii gobolka dhaxalsiiyayna dibdhac caafimaad, dib u dahac waxbarasho, dib u dhac dhaqaale iyo mid gobol.

4

Qof kasta oo kusugnaa goobtaas waxuu dareensanaa in habaynku aad u dheeryahay maaddaama subaxnimada la furi doono dhammaan waddooyinka kala xiran gododka difaac ee dhexyaala magaalada Gaalkacyo ee ay isugu jiraan labada aan is hurin ee udhashay gobolka Mudug.

Waxaa lagu ballamay cid kasta oo barito hor istaagta wadda furida ama difaacid kala hor timaadda in jawaab cad la siiyo. Qof kastana ay waajib ku tahay in uu barrito laban laabo kartidiisa dadaalkiisa iyo oday nimadiisa. Gulufku waxuu ahaa midkii ugu wanaagsanaa ee halka ujeeddo laga wada yeeshay iyo gobolkii hiilka waayey.

Sidii ballantu ahayd waxaan ku waa bariisanney nabad, Maasha Allaah, mahad oo dhammi waxay u sugnaatay Alle weyne oo waaxid kaa, noona sahley dhammaan arrimaha aan kaga soo hadlay qormadan taxanaha ah

Waxaan ku kulannay subax nimadii 16/12/2017 Hoteelka five Star Gaalkacyo oo ku yaal Dhanka maamulka Galmudug. Shirkaas waxaa hogaaminayey madaxweynaha Galmudug mudane Xaaf, taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, taliyaha daraawiishta Puntland, Taliska qaybta 54aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, taliyaha ciidanka daraawishta Galmudug, talaiyeyaasha qaybaha Booliska ee labada maamul iyo dhammaan saraakiisha gobolka Mudug.

Waxaana lagu heshiiyey in la qaado dhammaan jidgooyooyinka, difaacyada waddooyinka lagu rogey dhagaxa iyo ciidda loo isticmaalo dhufayska oo dhexyaala magalada Gaalkacyo iyo hareeraheeda.

8

Waana in si shuruud la’aan ah looga raro maleeshiyada ku sugan goobaha xiran. Waxaa amar bixiyey aan ka noqosho lahayn Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed, isagoo markhaati gashaday odayaasha gobolka Mudug iyo madaxweyna Galmudug. Waxuuna ku amray saraakiishii shaqada in ay si cad uga jawaabaan cid kasta oo is hortaagta isu furidda iyo is dhex galka bulshada iyo nabadda gobolka Mudug.

Intaas kadib waxaan u geedi galnay waddooyinkii Xirnaa, waxaan furnay waddadii kowaad ee dhinaca Galmudug waxaa gacantiisa ku qaaday fuustooyinkii ku xiraa jidkaas madaxweynaha Galmudug mudane Xaaf.

16
Waxaan kaloo u soo guurney waddiidii labaad ee laamiga ahayd, sidii lagu ballamay waxaana si gacansaara u qaadnay dhagxaantii ku xirayd waddadaas si nabad ah waxaan aadney dhinaca koontaroolka koonfureed oo ay yaalaan labo difaac oo aad u adag dhufaysyo jiif iyo joog ah carro kaawo difaac xaalad adag oo isu jawabaysa.
Ka dib maxaa xigay? la soco qaybta lixaad IA.

Halkan ka akhriso qormadii koowaad:

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheer baa Dadka Ugu Ayaan Daran, Waxaan lala arkayn Baa isaga u muuqdee! (Qeybtii Koowaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee (Qeybtii Labaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Ugu Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa isaga umuuqdee! (Qeybtii Saddexaad)

Qormo Xiiso Badan: Ninka Ugu Ildheerbaa Dadka Uga Ayaan Daran waxaan lala arkaynbaa Isaga umuuqdee (Qeybtii Afraad)

29a

W/Q: Taliye Jeeniqaar.

About The Author