Daawo Video: Somaliland oo ka soo horjeesatey ku wareejinta dowlada Soomaaliya maamulka Hawada

28  Dec  2017 (Puntlandes) Maamulka Somaliland ayaa war ka soo saaray wareejintii dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay Maamulka Hawada Soomaaliya,iyadoo maanta si rasmi ah xariga looga jaray xarunta laga maamulayo hawada Soomaaliya.

32
Maareeyaha hay’adda duulista Somaaliland Duuliye Sare Cabdi Maxamed Rodol oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Hargeysa ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in hawada Somaliland laga maamulo magaalada Muqdisho.

Duuliye Cabdi Maxamed Rodol ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka baxday heshiiska ay hore u wada galeen dowlada Soomaaliya ee  Istanbul 1 & 2.

“Waxay keeni doontaa khalkhal iyo jahawareer mas’uuliyadeedana waxa ay dusha ka fuuli doontaa xukuumada Soomaaliya oo heshiiska ka baxday,”ayuu yiri Maareeye Rodol

Agaasimaha Duulista Hawada Somaliland ayaa ugu baaqay   Qaramada Midoobay, Dowladaha deriska ah, Hey’adda ICAO isagoo sheegay inaysan marnaba raali ka ahayn in Somaliland hawadeeda laga maamulo magaalada Muqdisho,balse ay diyaar u yihiin inay wadahadaladii hore u socday ay ka qeybgalaan.

Warkan ka soo yeeray Agaasimaha Duulista Hawada maamulka Somaliland ayaa yimid kadib markii saaka uu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xariga ka jaray xarun laga maamulo hawada Soomaaliya.

Daawo muuqaal

Puntlandes.com

About The Author