Sawirro: Islaan Bashir & Garad Jama oo Heshiis taariikhi ah ka gaaray Colaadii Hawdka Soolka & Nugaal

30  Dec  2017 (Puntlandes) Islaan Bashir Islaan Cabdile iyo Garad Jaamac Garaad Cali ayaa waxay heshiis horudhac ah ka gaareen colaadii ka taagnay Hawdka ee u dhaxaysay labo beelood oo walaalo ah, kuwaasoo ku dagaalamay dhowaan degaanada Gumburka iyo Qorilay.

Waxay labada Beelood ku heshiiyeen sideed qodob oo lagu soo af jarayo Colaadii dhawaanahan ka taagnayd Hawdka gobolada Sool iyo Nugaal.

Qodobada lagu heshiiyey ayaa kala ah:

1. Xabad joojin
2. Ciidamadoo lakala qaado
3. Shir mudo bil ah gudeheed laysugu yimaado gogoshana ay dhigto beesha xaga Burtinle soo xigta
4. In qofkii wax dila lasoo qabto oo beesha wax laga dilay lagu soo wareejiyo hadii dambiiluhu fakadana beeshiisa 20 oday laga soo xiro sidoo kale 200 oo geel ah laga soo qaado
5. In amaanka deegaankaas Itoobiya sugto iyo qodobo kale.

4
FB_IMG_1514602820067

3

1

2
Puntlandes.com

About The Author