Sawirro: Kulan looga hadlayay wadada Ceeldaahir & Ceerigaabo oo lagu qabtay Garowe

 30  Dec  2017 (Puntlandes) Kulan looga arrinsanayey waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo ayna soo qaban qaabiyeen dhallinyaro Isxilqaameyaal ah ayaa xalay lagu qabtey Hotel New Ray ee Garoowe.

Ujeeddada kulanka oo ahayd Mahad celin, dhiirrigelin iyo u qareemidda waddada ayaa waxa lagu soo bandhigay warbixin dheeraad ah oo ah ay soo jeediyey xubno ka mid ah guddiga dhismaha waddada iygoona sheegay in ay waddadu magaalada Badhan usii jirto 15km isla markaana bisha March ee soo socota la bilaabi doono in laamigii la saaro iyadoo inta muddadaas ka horraysana uu qalabkii Daamurka soo degi doono.

Dhallinyaradii kulanka isugu timid waxay si guud ugu mahad celiyeem guud ahaan shacabka reer Puntland ee habeen iyo dharaar garab taagan waddada oo ka qayb qaadanaya dhaqaalaha waddada lagu dhisayo.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali oo isagu laf dhabar u ahaa suurtagalnimada mashruucan iyo hirgelintiisaba ayaa si gaar ah bogaadin iyo mahadnaq loogu diray.

Howlwadeenada waddada oo isugu jira guddiga iyo shaqaalahaba iyagana sidoo kale waxa laga xusay goobta doorkooda lama illaawaanka ah iyo dedaalka dheeraadka ah ee ku bixiyaan waddada oo aha mid lama illaawaan ah.

Sidoo kale wax iyagana bogaadin loo diray dadkii kale ee ka qayb qaatay ee ay ka mid ahaayeen dadka deeganaada Cowsane, Midigale, Rad iyo Laako iyo  Hadaftimo oo habeen iyo dharaarba hawl-wadeenada garab taagnaa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ahaa shaqsigii ugu horreeyey ee dhaqaale jeebkiisa ah ku bixiyey waddada isagana mahadnaq iyo duco ayaa hawada loo mariyey iyo sidoo kale Ururka haweenka Al Nasar oo iyagana dhaqaale fiican ku bixiyey waddada.

Gunaanad

Ugu dambayn, waxa laysla qaatay in waddada lays garab taago, guddiga u idman shaqadana taageero mugle iyo abaabul dhanka bulshada ah lagu taageero isla markaana xoogga la saaro wacyigelinta Bulshada dal iyo dibadba.

Daawo sawirada
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21
Puntlandes.com

About The Author