Ciidamada ammaanka Muqdisho oo gudaha u galay guriga Senator Cabdi Qeybdiid

30  Dec  2017 (Puntlandes) Ciidamada ammaanka Muqdsho ayaa gudaha u galay guriga uu ka degen yahay magaalada Muqdisho Senator Cabdi Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka labada Aqal, iyagoo baaritaan ku wada gurigiisa.

22

Ciidamadan ayaa xirey wadooyinka soo gala guriga Cabdi Qeybdiid oo ku yaal degmada Hodon agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa ka mid ahaa Dagaal Oogayaashii daadiyey Dhiig shacab Soomaaliyeed oo aad u fara badan, isagoo wakhtiyadii dambe xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soomaaliya soo maray hadana ah Senator ka mid ah Aqlaka Sare.

Senator iyo xildhibaanka ayaan la baari karin illaa laga qaado xasaanada sida uu dhigayo dastuurka dalka, laakiin lama oga sababta keentay in la baaro guriga Cabdi Qeydbiid.

Puntlandes.com

About The Author