Sawiro-Cod: Mudaharaad ay sameeyeen gaadiidlayda Caasumadda Puntland ee Garowe

Garowe(Pes)  Gaadiidlayda baabuurta raaxada ee la kiraysto kana shaqeeya deegaamadda Puntland ayaa maanta galinkii danbe banaanbax cabasho ku dhigay koonfurta magalo madaxda Puntland ee Garowe.

Xirfadlaydaan ayaa sheegay inay ka cabanayaan saddex qodob oo ay sheegeen mudo badan inay kusoo noq-noqotay kuwaasoo ilaa iyo hadda xal loo waayay.

Waxay sheegeen gaadiidlayda Puntland ee yar yarka ah inaysan awoodi karin lacag ay ku sheegeen inay tahay ”Macaash” oo dhanka dowladda kaga timaad taasoo aan suurta gal noqon doonin maadama ay baxshaan canshuura ku waajibtay.

Halkan ka dhagayso qaybta 1


Waxay kaloo sheegeen gaadiidlaydan oo ku midaysan Daladda Gaadiidlayda yar yar ee la yiraahdo Israac inay qaar ka mid ah masuuliyiinta wasaraddaha ay caqabad ku noqdeen gaadiidkii ay ka kiraysan jireen Hay’addaha caalamiga ah, ayna taa badalkeedii iyagu ka kiristaan oo ay u kala qaybiyaan wasaraddaha iyo Xildhibaanadda qaarkood sida uu sheegay Jaamac Cali Nuur (Giribaa) oo u hadlayay Gaadiidlayda banan baxayay.

“Hay’addaha ka yimaadda dibadda, waxay la bahoobayaan mid ka mid ah wasaaradaha Dowladda , waxaa la su’aalayaa gawaaridii ay kireysan lahaayeen , hadii saddex gaari ay ubaahdaan wasiirka wasaarada ayaa la shiraya waxaa uu u sheegayaa inuu u magac bixinayo Gawaaridii ay kireysan lahaayeen , isagoo oranaya waxaan u qaybinaynaa gawaarida wasiiraddaha iyo xildhibaanada si aysan buuq u firin, taasi waan u adkeysan weynay”.

”Dadkii ma’uuliyiinta ee loo igmaday in ay dalka iyo dadka Horumar gaarsiiyaan ayaa dadkii Cunaya” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii mudaharaadayey.
Halkan ka dhagayso qaybta2


Sidoo kale Gaadiidlayda ayaa sheegay inay walaac xoog leh ka qabaan amar kasoo baxay dowladda oo sheegaya inaan gaadiidka Hay’adaha kiraysn karin ilaa lasoo marsiiyo xafiis laga furay wasaradda qorshaynta oo ay walaac ka muujiyeen.

Guddiga gaadiidlayda ayaa codsi u diray madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uusan dalka amni xumo u horseedin. Waxay kaloo intaa ku dareen in ay diyaar u yihiin wixii Xuquuqa ee lagu leeyahay iyana ay rabaan in Xaqooda la siiyo oo aan laga duudsiyin.

Guddiga gaadiidlayda yar yar ee Puntland ayaa sheegay haddii aan waxba laga qaban cabashadda ay ka muujinayaan dhanka dowladda sii wadi doonaan banaan baxooda, ayna xili kasta u taagan yihiin sidii hormarka dalka looga shaqayn lahaa
Daawo sawiro
1058

1059

1060

1061

1062

1063

1064

1065

1066

1067

 

Puntlandes.com

About The Author