Sawirro: Wefdi Balaadhan oo ay Hogaaminayaan Madaxwaynaha Dawladda Puntland & Madaxwaynaha DF Soomaaliya oo lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Bosaso

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo taariikhdu tahay 11 jan-2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Boosaaso ee xaarunta ganacsiga Puntland .

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha dawladda federaalka  Soomaaliya ayaa waxaa soo dhawayntooda ka qayb qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso.

Madaxwaynaha iyo wefdigiisa yaa kahor inta aanay soo gaadhin magaalada Boosaaso waxaa si wayn loogu soo dhaweeyay deegaanadii ay soo mareen waxaana ka mid ahaa magaalooyinka sheerbi , waaciye ,xiddda , dalwayn ,carta ,iyo wliba degmada Carmo halkaas oo uu madaxwaynu kulan kula qaatay bushada magaalada Carmo , waxaana uu madaxwaynuhu kula kulamay dadwaynaha kuliyada taba-barka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa bulshada uga mahad celiyay soo dhawayntii ay usameeyeen .

Madaxwaynaha dawladda Puntland iyo Madaxwaynaha DF Soomaaliya ayaa intaas kadib usoo dhaqaaqay dhanka magaalada Boosaaso kadibna waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Ceel daahir , waxayna halkaasi kuln kooban kula qaateen Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan suldaan Maxamuud ,iyagoona soo kormeeray wadada Ceel daahir Ceerigaabo .

Sidoo kale Madaxwaynaha  dawladda federaalka Soomaliya iyo Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxay degaanka Kala Baydh ka dhagax-dhigeen wado isku xidhidoonta magaalooyinka  Kalaa Baydh iyo Caluula.

Dhinaca kale wefdiga ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Boosaas ee xarunta gobolka Bari waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey kumanaan ka mid ah bulshada magaalada Boosaaso waxaa ugu horayn halkaasi kusoo dhaweeyay  ,Gudoomiyaha Gobolka Bari , duqa degmada Boosaaso , qaar ka mid ah Golayaasha dawladda Puntland, , isimo, Salaadinn , Cuqal , waxgarad , siiyaasiyiin , iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Madaxweynha Dawladda Puntland Iyo Madaxweynaha DF ee Soomaaliya  oo ka haldlay munaasabdadii soo dhawaynta ahayd  ee loogu sameeyay magaalada Boosaaso ayaa kala hadlay goob fagaarea ah dadkii halkaasi isugu soo baxay .

aad iyo aad ayaan ugu mahad-celinayaa dadwaynaha reer Boosaaso oo ay hogaaminayaan maamulka degmada , maamulka gobolka , saraakiisha ,iyo shacbigaan quruxda badan ee tirada badan oo runtii aad nooga cajabiyay ,sidaa aad usoo dhawayseen ee meeqaamka sare ah , aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin wadaa nasharafteen anagana sharaf ayay noo tahay muuqaal wanaagsan oo quruxbadan ayaad kabixinaysaan Puntland iyo Soomaaliya oodhan .

“dad shacab ah oo qiiraysan oo wanaagsan oo u heelayn in ay soo dhaweeyaan Madaxdooda , in badan ayay sugayeen shacbaka reer Puntland Madaxwayne Soomaaliyeed oo soo booqda xaaladooda hadba sida ay tahay ,muddo dheer ma arag shacabku ,sidaa ayay ugu hiloobeen araga Madaxdooda.

” waxaan rajaynayaa Mdaxwayne in aad marar badan kusoo laabatid Puntland waxbadan ayaan kaa sugaynaa oo horumar ah ,sida adeegii dawliga ahaa oo lasoo gaarsiiyo waxaan kale oo kaa sugaynaa in dib lo soo celiyo qaranimdii Soomaaliyeed .” ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.

sidoo kale Mdaxwaynaha dawladda DF Soomaaliya oo shacabka lahadlay ayaa yiri .

“runtii waxay noo tahay sharaf iyo farxad wayn sida quruxda badan oo wanaagsanoo aad noogu soo dhawayseen meel walba oo aan soomaraynay sidaan oo kale ayaa naloo-kusoo dhawaynayay maaha wax  lahilmaami karo sida qiimaha leh ee aad noo sharafteen ,taasina waxy muujinaysaa in aad tihiin dad dawladooda jecel , dad horumarka jecel  oo midnimo jecel , iyo in aad tihiin dad Madaxwaynahooda jecel.

 “aad ayaan idiinku mahadcelinayaa waxaa meeshaan iiga muuqda horu-mar badan sidaan kuu soo arkay magaalooyinkii aan soo maray guud ahaan waxaa iga muuqda horu-mar aad loogu farxo “.

Ugudanabayn Madaxwaynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo ayaa waxay ku sugnaan doonaan magaalda Boosaaso tan iyo intay soo afmeerayaan safarkooda.

 

 


Puntlandes.com

About The Author