Sawiro: Madaxweyne Dr Gaas oo Baabuurta Tamashlaynta soo iibsaday

Gaalkacyo (Pes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu Dekadda Bosaso kala soo degay baabuurta lagu Raaxaysto ee Laankuruusalka ah oo aan xabadu karin aadkana qaaliga u ah iyadoo ay Ciidamadii difaacayey dalka aysan helin Mushahaarkoodii iyo Xuquuqdoodii ay la haayeen muddo afar bilood ah.

Sida aad sawirka ku aragtaan baabuurka magaciisu waa ”toyota land cruiser 2014 bulletproof” halkii baabuur wuxuu ka joogaa Warshada samaynaysa 175163$ isagoo ku imaanaya halkii baabuur Bosaso lacag 200000$ ka badan. Qiyaastii labada baabuur waxay ugu fadhiyaan Gaas 400000-450000$ lacagtaas imisa Askari ayey Mushahaar u noqon lahayd bal iswaydii akhriste?

1075 1076 1077

Xukuumda Dr Gaas ayaa caado ka dhigatay in ay shacabka reer Puntland ku qaaliyeyso waxwalba iyadoo ku soo rogtay Canshuur xad dhaaf ah halka aysan bixin adeegyadii iyo Mushahaarooyinkii laga doonayey in au ku bixiso Camnshuurta ay Muwaadiniinta ka qaaday.
Sawiro
1076

1073

1072

1071

1070

1069

1025

1077

Puntlandes.com

About The Author