Jawaari oo ugu baaqay maxadweyne Xasan in uu dedejiyo magacaabida RW cusub

Gudoomiyaha Baaralmaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa ugu baaqay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud in Degreeto Madaxweyne sida dastuurku qabo uu ku kala diro Xukuumada Soomaaliya.

Prof Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya ay maanta codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumada Soomaaliya, waxa uuna ka codsaday Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha in ay aqbalaan go’aanka Baarlamaanka ee sharciga ku dhisan.

‘’Sida uu qabo Dastuurka KMG iyo sharciyada inoo yaala waxaan madaxweynaha laga doonayaa in in uu Digreeto ku kala diro Xukuumada Soomaaliya maadama ay weysay Kalsoonida Baarlamaanka,waxaa sidoo kale Madaxweynaha laga doonayaa in mudo bil gudaheed uu R/Wasaare kusoo magacaabo’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in xiligan ay Dowlada DFS ay horyaalaan howlo adag waqtiga uuna ku yaryahay, waxa uuna madaxweynaha ka codsaday in uu soo da dajiyo magacaabista R/Wasaaraha isaga oo sameenaya wadatashiyo badan.
Puntlandes.com

About The Author