Akhri: Raysul Wasaarihii hore iyo Xulufadiisii Siyaasadeed oo halis soo foodsaaratay

Xafiisyada xeer ilaalinta  iyo Hanti dhowlrka Qaranka ayaa wasiirrada iyo wasiir ku xigeennadii ka tirsanaa  xukuumadda uu maanta baarlamanku kalsoonida kala laabtay ku amray ineysan dalka ka bixi Karin ogolaansho la’aan,  tan iyo inta ay xilalka uga wareejinayaan si waafaqsan nidaamka.

War Qoraal ah oo ay ku wada saxiixnaayeen Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir iyo Hanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa lagu xusay in iyagoo tixgelinaya xaaladda adag ee dalku marayo, iyo soo ifbixidda jiritaanka ku takri falid awoodeed ee shaqo iyo shaqaale, islamarkaana ay dareemeen surtagalnimada lunsasho iyo takri fal hanti dadweyne  ay soo saareen amarka safarka lagaga joojinayo wasiirrada.

Halkan ka aqriso Qoraalka

10779

About The Author