Dhagayso: Puntland oo ka jawaabtay cabashadii ay muujiyeen Guddiga Gaadiidlayda Israac

Garowe (Pes) Wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka dowladda Puntland ayaa ka jawaabtay banaanbax ay maalinkii shalay dhigeen qaar ka mid ah gaadiidlayda yar yar ee ka shaqeeya deegaamadda Puntland.

Banaanbaxaasi ayaa salka ku hayay lacag ay ugu yeereen macaash oo ka baxsan canshuurta oo ay sheegeen inay ka qaado dowladda Puntland.

”Waxa maalmahaan laga buuq buuqayay waan la soconaa, waxa weeye canshuurta kiradda, Baabuurua marka ah Kiro qaadato oo ay Hay’ad kiraysato canshuur baa lagu lee yahay, waxay isku qaldayaan gaadiidka canshuurtiisa iyo kiradda canshuurtiisa, gaadiidka waxaa laga qaadaa tan wadada, balse gaarigii la kiraysto canshuur baa lagu lee yahay haddii aan la kiraysana dee canshuur kuma waajibto” Cabdiqaadir Shiikh Maxamuud oo ah Agaasimaha guud ee wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka Puntland yaa sidaasi yiri.

Dhagayso hadalka Agaasimaha


Puntlandes.com

About The Author