Xag: Go’aankii Golaha Wasiirda RW Cabdiwali looga joojiyey Safarada oo Sharcidaro lagu sifeyey

Aqoonyahanada iyo dadka ku xeeldheer arimaha dawladnimada ayaa Shacidaro ku tilmaamay go’aankii kasoo baxay xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Goäankaas oo Golaha Wasiirada Xukuumadii Kalsoonida weysay ku amray in aysan dalka dibada uga bixi karin.

Professor Yaxye Cali Ibraahim oo ka hadlay go’aanka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay in ay arintaasi tahay mid lala yaabo una muuqata Ciqaab oo kale,waxa uuna sheegay in ay haboon tahay hadii Wasiir safar laga joojinayo in Amarto Maxkamad go’aan cadna kasoo saarto.

“In safar laga joojiyo qof wasiir ah waxay u baahan tahay go’aan maxkamadeed, waa ciqaab mar hadii ciqaab tahayna waxaa jirta dambiyo ciqaab lagu mutaysan karo iyo kuwa aan lagu mutaysan karin, dalal waajiraan madaxdooda safarada laga joojiyo ama dalal shisheeye haka joojiyaan oo hadhahaan dambi ayaa lagu soo oogay, ama ha jiraano madaxdooda kale oo ka sareysa dalka inay iyaguna dhahaan tuhun la qabaan awgiis, hebel iyo hebel safar dibadda ma aadi karaan ilaa inta maxkamada ka dhamaaneyso, balse hadda ma jirto dacwad ka dhan ah golaha wasiirada oo ogolaanayso in safaradooda la adkeeyo”Ayuu Yiri Yaxye.

Aqoonyahankan Soomaaliyeed ayaa arin lala yaabo ku tilmaamay in go’aanka kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu yimid iyada oo uu wali xilka uu sii hayo Raysul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ayna shaqeenayaan Golaha Wasiirada.

“Waxaa kaloo la yaableh, weli waxaa xafiiskiisa jooga Ra’iisul wasaaraha, waxaa laga yaabaa in dadka qaar aysan ogeyn, isaga iyo wasiiradiisa shaqada wey wadanayaan ilaa Ra’iisul wasaare cusub laga soo magacaabo, micnaheeda ma ahan in aysan howlmaalmeedkii qaranka aysan qabaneynin, xafiiska xeer ilaaliyaha tani awood wuu u leeyahay, marka loo eego qodobka ay cuskadeen, waxayna dan u tahay shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale ku celiyay Prof Yaxye Cali Ibraahin.

Warqad shalay kasoo baxday Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu amray Golaha Wasiirada ee katirsan Xukuumada Codka Kalsoonida weysay in aysan dalka ka bixi karin, waxaana lagu xiray Wasiirkii safar u baxaya in uu wato Warqad katimid Madaxweynaha Soomaaliya. Goäankan oo ah mid aan hada yaraatee haysan wax Sharciyad ah una muuqda mid si Shaqsiya loola dagaalamayo Raysul Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed iyo Taageerayaashiisii

Puntlandes.com

About The Author