Baarlamaanka Puntland oo xeerka doorashooyinka ka saaray Qodobadii ka hor imaanayey Dastuurka Puntland

Garowe (Pes)  Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa ka dooday shalay xeerka guddiga doorashooyinka oo ka kooban 24-qodob.

Qaar ka mid ah qodobadaasi oo gaaraya 11-ayaa la meelmariyay sidaasi waxaa u sheegay Xildhibaan ka gaabsaday magaciisa oo fadhiga goobjoog ka ah, waxana guud ahaan laga saaray xeerka qodobka 10-aad oo ka hadlaya in Wasaradda Dastuurka iyo arrimaha Federaalku ka mid ahaanto Guddiga doorashooyinka kaasoo loo arkay inuusan sharci ahayn.

Waxaa lagu wadaa maanta in xeerka lasoo afmeero doodiisa si loo gudo galo ansixintiisa, iyadoona Siciid Sanwayne oo ka mid ah ragga xiisaynaya doorashooyinka Axsaabta uu horay u sheegay inaysan raali ka noqon doonin xeerkan haddii aan laga saarin wasaradda Dastuurka.

Xeerkan waxaa 27-ka bishii hore soo meelmariyay golaha xukumadda, wuxuna sugayaa ansixinta Baarlamaanka inkastoo ay wali doodiisu socoto.

Inta badan xeerkan oo magaciisii hore laga badalay ayaa u eg %90 xeerkii hore ee dowladadii Cabdiraxmaan Farole diyaarisay.

Wixii kusoo kordha Xeerkan kala socda Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author