Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay in la qaban doonaan doorashada kuraasta kale ee banaan

29 Jan 2018 (Puntlandes) Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaran ayaa sheegay inay qaban doonaan doorashada kuraasta kale ee ka banaan Golaha shacabka, iyadoo Guddiga qabtay howshii u horeysay ee doorashada kursi ka mid ahaa Golaha shacabka oo shalay doorashadiisa ka dhacday magaalada Jowhar.

32a1

Xaliima Ismaaciil (Xaliima Yarey) oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaran ayaa sheegtay in afar kursi ay ka banaan tahay Golaha shacabka, iyadoo mid ka mid ah shalay la qabtay, isla markaana saddexda kursi la qaban doono.

Waxaa ay sheegtay in Maamulka Hirshabeelle uu bixiyay qarashkii ku baxay doorashadii shalay ka dhacday Jowhar, isla markaana hadii aysan ahaan laheyn Madaxda Hirshabeelle aysan u qabsoomi laheyn.

Xaliimo Yarey ayaa sheegay in saddexda kursi ee ka banaan Golaha shacabka ay doorashooyinkooda ka kala dhici doonaan Garowe, Cadaado iyo Kismaayo oo ah halka deegaan doorashada ay ka soo galayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Xaliima Yarey ayaa sheegtay in la xaliyay cabashadii ka taagneyd saddexda kursi, isla markaana ay rajeynayaan in doorashada saddexda kursi la qabto dhowaan.

Shalay ayay aheyd markii doorashada Kursiga Xildhibaan ee Beesha Cali Madaxweyne oo ka dhacday magaalada Jowhar uu ku guuleystay Nuur Iidow Beyle oo wareegii labaad ka adkaaday C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kursigan doonayay inuu mar labaad ku guuleysto.

Puntlandes.com

About The Author