XOG: General Gorod oo Nabadayntii Galkacyo u bedelay Colaad abuur, dhulna uraadinya Beeshiisa (Galmudug)

29 Jan 2018 (Puntlandes) Taliyaha CXDS Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod oo uu Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo usoo diray inuu ka shaqeeyo nabadaynta magaalda Gaalkayo iyo guud ahaan Gobolka Mudug oo ay colaadi ka jirtay.

33

Taliye Gorod ayaa waxay DFS u xilsaartay maamulida nabadayta Gobolka Mudug, isagoo maamulaya dhaqaale aad u faro badan oo loogu talagalay ka shaqaynta isku soo dhawaynta iyo nabadaynta shacabka Gobolka Mudug ee ka kala tirsan Waqooyiga Puntland iyo Koonfurta Galmudug.

Gen Gorod oo wadadii Nabadaynta ka leexday una leexaday dhul u raadin beeshiisa!!

Gen Gorod ayaa hirgelinta nabaydaynta wuxuu ku bedelay inuu Beeshiisa, si kastaba ha ku qaadatee, u helo dhulka baaaxadda wayn ee dhaca koonfur galbeed magaalada Gaalkacyo kaasoo ah dhul Puntland.

Gen Gorod ayaa si uu  Beeshiisa ugu helo dhul waxa uu lacagtii nabadaynta Gobolka Mudug u isticmaalayaa inuu Beeshiisa u helo Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay Dawladda maamulaysay 27 sano iyo Xerada Ciidanka Daraawiishta ee Caano Ka-dhan oo ay leedahay dawladda Puntland kuna taala dhul Puntland.

 

Gen Gorod oo Shacabka Puntland ula dhaqmaya sidii iyagoo aan dawlad lahayn

Gen Gorod ayaa Shacabka Puntland waxa uu ula dhaqmay sidii iyagoo aan dawlad lahayn wuxuu Jawaan lacagi ka buuxdo la dhex wareegayaa Beelaha Puntland iyo Shaqsiyaad isagoo lacag ku gorgorinaya inay taageeraan Qorshihiisa uu Beeshiisa dhulka ugu raadinayo.

Waxyaalaha aadka u foosha xun oo uu ku kacay Gen Gorod intii Gaalkacyo ku sugna maalmahan ayaa waxaa ka mid ah:

  • Gorod ayaa wuxuu qado u saneeyey beelo ka mid ah Puntland, wuxuuna ka codsaday in ay ku wareejiyaaan koontaroolka koonfureed iyo Xerada Caano Ka-dhan, iyadoo aysan ogayn Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Dawlada Puntland.
  • Gen Gorod ayaa wuxuu masabitay madaxweynaha dawaldda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumadiisa, isagoo sheegay inay la og yihiin arinta uu wado.
  • Gen Gorod ayaa u isticmaalay dhaqaalihii loogu tala galay Nabadaynta Gobolka Mudug inuu ku laaluusho dad uu is leeyahay waxbay kaala qaban karaan dhul raadinta uu wado.

Xerada Ciidanka Daraawiishta ee Caano Ka-dhan oo ku taal dhulka Puntlad iyo Koontaroolka uu Gen Gorod u doonayo inuu ku wareejiyo bereshiisa oo ay dawladda Puntland maamulaysay  muddo 27 sano ka badan, ayaan ahayn wax beec ah ama uu si sahal ah ugu wareeji karo Gorod Beeshiisa.

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Tumey oo kala shaqaynanya Gen Gorod dhul raadinta

32a7

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ayaa wuxuu ku sifoobay Khaa’inu wadan, isagoo kala shaqaynaya Gen Gorod dhul raadinta uu Beeshiisa ugu jiro.

Gudoomiye Tumey oo ah Tooshka ama Farshaxanka Gen Gorod u isticmaalayo dhul raadinta, isagoo hor ordaya lana kulansiinaya Waxgaradka magaalada Gaalkacyo una tilmaamaya dadka uu lacagta siinayo si ay hawsha dhul raadinta ugu fududeeyaan.

Gudoomiye Tumey ayaa u balamiyey Gen Gorod kulamo Shaqo ah iyo kuwa uu si gooni gooni ah ula kulmo shaqsiyaad uu ku baayacay lacag si ay ula shaqeeyaan. Waxaana uu ku fashilmay Aaminaadii ay Bulshada reer Gaalkacyood ku aamineen inuu iyaga si gaar ah ugu shaqeeyo isagoo ka shaqaynaya danahooda, isagoo hadda ka shaqaynaya dad kale una sahlaya inay BOOBAAN dhulka reer Puntland.

Maanta oo u dambaysay ayuu Gudoomiye Tumey u balamiyey Gen Gorod Koox uu ugu yeeray Ganacsatada Gobolka Mudug, kuwaas oo u Gen Gorod ka codsaday inay ku wareejiyaan Xerada Caano Ka-dhan iyo Koontaroolka.

Yasiin Faarax

Gaalkacyo Puntland, Somaaliya

Puntlandes.com

 

 

About The Author