XOG: WAX KA OGOW QORSHAHA GEN GOROD EE GALKACYO & KU DARIDDA MAAMULKA BEESHIISA EE GALMUDUG

01 Feb 2018 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya (CXDS) Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Warsame Gorod oo shaqadiisii ahayd inuu dalka ka xoreeyo Alshabaab, xilkiis dhamaa oo ummadda Soomaliyeed u igmatay usoo baylihiyey inuu xaqiijiyo Xadkii Riyada ahaa ee ay Beeshiisu ku haminaysay mudada dheer.

37a

Taliye Gorod ayaa si uu qorshahaas uga gungaaro waxa uu HUWADAY Buste uu ugu magac daray Nabadaynta magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug.

Taliye Gorod ayaa ka faa’iidaystay DFS oo u xilsaartay maamulida nabadayta Gobolka Mudug, isagoo maamulaya dhaqaale aad u faro badan oo loogu talagalay ka shaqaynta nabadaynta Gobolka Mudug ee ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Muxuu yahay Qorsha Gen Gorod ee Galkacyo & guud ahaan Gobolka Mudug?

Xog aanu ka helnay ilo aad loogu kalsoon yahay ayaa tibaaxaya inuu Gen Gorod aaminsan yahay dastuurka maamulka Galmudug ee ahaa in magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug ay hoos yimaadaan maamulka Beeshiisa ee Galmudug.

Ilo wareedyadan ayaa xaqiijinaya inuu Gen Gorod ahaa maskaxdii ka dambaysay labadii Dagaalad ee salfaday dad aad u fara badan oo ah reer Gaalkacyood walaalo ah.

Maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay tahy ”Malagoow ba’a ma maanta ayuu Lax isaga kay soo dhigay” marka Gen Gorod ma maanta ayuu reer Gaalkacyo BUSTE usoo huwaday ssidii nin aan la garanayn.

 

Taloow ma muuqataa in Gen Gorod Nabadayntaba uu kaga fiican yahay Colaad hurinta!!

Gen Gorod ayaa ka shaqaynta nabaydayntii gobolka Mudug iyo magaalada Gaalkacyo wuxuu ku bedelay inuu Beeshiisa u helo magaalda Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug isagoo doonaya inuu rumeeyo Riyadii Beeshiisa ee ahayd in Buurtinle tahay Xadka maamulka Galmudug la wadaago Puntland.

Gen Gorod ayaa si uu u fuliyo qorshihiisa dahsoon waxa uu lacagtii nabadaynta Gobolka Mudug u isticmaalayaa talaabadda koowaad ee qorshihiisa oo ah inuu Beeshiisa u helo Koontaroolka Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo oo ay Dawladda maamulaysay 27 sano iyo Xeradii waynayd ee Ciidanka Daraawiishta Puntland ee CAANO KA-DHAN, halkaan ka akhri maqaal ka hadlaya ina Gorad dhul u raadinta Beeshiisa.

 

Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo waa kuma yuuse u shaqeeyaa?

32a7

Waxaa baryahan dambe aad la isku waydiinayaa magaalada Gaalkacyo Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Tumey ma shaqadiisii ayuu wali hayaa mise Gen Gorod ba shaqo siiyey oo waa ka tagay tmasa’uuliyadii uu u hayey Puntland?

Waxaa si xoogan u muuqda xulusduubka iyo shirarka ka gaarka ah aqoonyahankii, waxgaradkii iyo Isimadii gobolka Mudug ee ay wadaan ina Tumey iyo Gen Gorod.

La yaabi maayo ninkii ina Tumey yaqaanay ficiladiisa uu Faynuusta ugu hor wado ina Gorod.

Dawladda Puntland oo fari ku godan tahay!!

Gen Gorod ayaa Shacabka Puntland ee ku nool magaalada Gaalkacyo waxa uu ula dhaqmayaa sidii iyagoo aan dawlad lahayn, wuxuuna Jawaan lacagi ka buuxdo la dhex wareegayaa Beelaha Puntland iyo Shaqsiyaad isagoo lacag ku gorgorinaya inay taageeraan Qorshihiisa uu Beeshiisa dhulka ugu raadinayo.

37b

Waxay taasi shaki gelisay kalsoonidii ay shacabka gobolka Mudug ay ku qabeen madaxda dawladda Puntland, maadaama Gudoomiyahii Degmada Gaalkacyo Tumey uu yahay ninka Faynuusta ku hor wada Ina Gorod.

“kii dhuumanayee dhabarku muuqdoow waa dharaar lagu dhowrayee dadkaaga dhinac ka raac, yanad dhuminee dhinac ka raac”

Shacabka Gaalkacyo ayaa si isku mid ah oo aan kala har lahayn isugu raacsan ka hor imaanshaha Qorshaha guracan ee dhul doonka ah ee uu wato ina Gorad iyo isku dhaca iyo Colaad abuurka cusub oo uu mar sadexaad ka shaqaynayo.

Dareenka shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa wuxuu hadda marayaa meeshii ugu saraysay ee uu abiud gaaro, waxaana sii wiiqmaysa kalsoonidii badnayd ee ay shacabka Gaalkacyo ku qabeen dawladooda.

Waxaana u muuqata in dawladu khiyaantay ummadda reer  Gaalkacyo, waxayna ku baraarugeen arintaan ayan marnaba ka filayn dawladdii ay iyagu sida gaar ah u taageersanaayeen laakiin Gabay baa wuxuu ahaa ”baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane oo aan doonahayn inaad hesho daa’im waligaaye”

  • Ina Tumey iyo Tuugtii la arag Tuubax-tuux doodiiye
  • Tabta waa yiqiin Taloxumihii Ina Gorod
  • Ha la tuuro  waa kaas tartiib uu Janankii ku taabacaye
  • Guul iyo gacmo wadajira

Yasiin Faarax

Gaalkacyo Puntland, Somaaliya

About The Author