Daawo muuqaal Madaxweyne Farmaajo oo taageeray go’aankii Golaha Shacabka ee arintii Qalbi-Dhagax

09 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay muddo bilooyin badan ah kadib ka hadlay dhiibistii dowladda federaalka dhiibtay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo aha sargaal ka tirsan ONLF, isagoo loo gacan galiyay dowladda Itoobiya oo raadinaysay.

18

Madaxweyne Farmaajo ayaa su’aalo uga jawaabayay dhagaystayaasha BBC-da xili uu marti ku ahaa barnaamij looga hadlayay sanad kadib doorashadiisii iyo wixii u qabsoomay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku jawaabay “Su’aashaasi runtii waa su’aal muhiim ah, waxaan ognahay in baarlamaanka ay ku sameeyeen dood, ayna kasoo saareen warbixin, ayna u codeeyeen, maxaa yeelay iyagu waxaa weeye, waa hay’adda ugu saraysa ee sharci dajinta, markay codeeyeene waxay gaareen go’aan, waxaan aaminsanahay in go’aankaasi uu yahay kama dambeys”

Go’aanka baarlamaanka wuxuu ahaa in dhiibista Qalbi Dhagax ay ahayd arrin sharci darro ah maadaamaa dastuurka dalka uusan meelna kaga xusneyn in qof loo dhiibo dal kale, islamarkaasna uusan jirin heshiis dowladda ay la gashay mid kale oo ku saabsan dad la’isu wareejiyo.

Waxa warbixinta baarlamaanka ay farta ku fiiqday hay’adda NISA oo la sheegay in kaligeed ay maaraysay hawsha, aysan ka wargalinin hay’adaha garsoorka, islamarkaasna xog aan sugnayn la siiyay madaxda qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu ka horyimid go’aankii xukuumadda raysul wasaare Khayre ku taageertay dhiibistii Qalbi-Dhagax iyo inuu ahaa Argagixiso Itoo biyaan ah.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author