Wasiirka Cadaalada XFS iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo ka digay dhismaha dhulka danta Guud

12 Feb 2018 (Puntlandes) Howshan shaqo oo ay maanta ku tageen mas”uuliyiin  uu ka mid yahay  Wasiirka Cadaalada Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji Xoghaya Wasaarada Cadaalada Dr. Ismaaciil jimcaale  iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cismaan,ayaa ahaa mid loogu kuur galayay dhulbanaaan oo kaabiga ku haya isbitaal Keysaney oo ay leeyihiin Ciidamada Asluubta,maadaama mudooyinkii la soo dhaafay muran ay ka keenayeen shaqsiyaad dano gaar ah leh oo siyaabo kala duwan u ootay dhulkaan oo ay leeyiihiin  Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,

62

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Xuseen Xasan Cusmaan ayaa mar labaad digniin u diray shaqsiyaadka ku howlan dhismaha dhulkaan danta guud.

Xoghayaha Wasaaradda Cadaalada Dr. Ismaaciil Jimcaale oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta maanta tagay dhulkaasi banaan ayaa ineysan suurta gal ahayn in dhismo laga bilaabo dhulka Ciidanka Asluubta.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay indhulkaan aan lagu kadsoomin,maadama uu yahay dhul Qaran.

23 ,ka  bishii April  Sanadkii tagay  ee2017dii, ayuu Taliyaha Ciidanka Asluubta uu tagay dhulkaan isagoo digniin u diray shaqsiyaadka ku howlanaa dhismihiisa.

About The Author