Sawirro: Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug oo Kormeeray dagmooyinka Galdagob & Bursaalax

28 Feb 2018 (Puntlandes)  Gudoomiyaha Waxbarashada Gobbalka Mudug mudane Axmed Huruuse Xaashi ayaa waxa uu Kormeer ku marayaa dagmooyinka Galdagob iyo Bursaalax ee gobolka Mudug.

Gudoomiyaha ayaa kormeeray Iskuulada labadaas Degmo oo kala ah Iskuulada Xero Jaale, Imaam Shaafici, Imaamu Nawawi, Galdagob, Caynu Shamsi, Kulmiye, Cali Daahir, Al Nuur, Baxru Cuulim, Siraaju Muniira, Al Rawda, Jeexo, Qansaxle, Rigoomane, New Daarusalam, Daaru salaam, Kuweyt, Laanmadaw, Ciiro, Bursaalax Secondery, Bursaalax Primary, Rajo, Caynu Cilmi, Nuuryaqiin iyo Nuuradiin.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu kula kulmay Ardayda Jaamacadaha ee Jaamacad East Africa Galdagob.

Gudoomiyaha ayaa fasalada iyo safafka kala qayb galay ardayda, asaga oo si khaasa ula kulmayey ardayda 8aad iyo Form Four rada.

Safarka Gudoomiye Axmed Huruuse ayaa ku salaysnaa u kuurgelida habsami u socodka waxbarashada iyo hubinta suurta galka shaqooyinka hay’adaha ka soo baxay.

Gudoomiyaha ayaa ku baaqay in hay’adaha shaqada ka wada deegaanada Mudug shaqooyinkooda la hubiyo, markuu arkay mashaariic badan oo soo laalabtay iyo meela aan waxba laga fulin.

Dadka deegaanka iyo bahda waxbarashada labada degmo ee Galdagob iyo Bursaalax ayaa soo dhaweeyey booqashada gudoomiye Axmed Huruuse, ayaga oo tilmaamay in safarkii ugu sareeyey oo ay arkaan uu yahay.

Daawo sawirrada booqashada Gudoomiye Axmed Hurusse

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22
Puntlandes.com

About The Author