Ciidanka Amniga dawladda Soomaaliya oo hawlgalo adag k awada Muqdisho

03 Marso 2018 (Puntlandes) Magaalada Muqdisho ayaa maalintii 3aad ayaa waxaa ka socda hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada, iyadoo ay saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka.

64

Ciidamada ammaanka ayaa si ay xaqiiyaan hawlgalkooda xiray isgoysyo dhowr ah oo isku xira waddooyinka waa weyn ee magaalada.

 

Isgoysyada ay xireen Ciidamada ammaankaayaa kala ah Sanca, Afarta Jardiin, Siinaa, Xarar-yaalle, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, Tarabuunka kuwaasoo muhiimka u ah isu socodka degmooyinka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan kullan uu la yeeshay taliyayaasha ciidanka Amaaanka kaga dhawaaqay in am niga magaalada Muqdisho ay dawladu gacan bir ah ku qaban doonto uuna bilaaban doono hawlgalo lagu xaqiijinayo amniga magaalada.

Puntlandes.cm

About The Author