Sawirro: Wasiirka Deegaanka Puntland oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafti sare oo ka socda Dawlada Masar

03 Marso 2018 (Puntlandes) Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti sare oo ka socday dawlada Masar oo uu hogaaminayey Qunsulka safaarada Masar ee Somaaliya Mr. Taamir Safwat wafdigaas waxaa kale oo kamid ahaa Madaxa mashaariicda beeraha ee wadamada Afrika Dr. Maahir Abdulmuncim, Axmed Qunaim-Madaxa xiriirka Dibada Wasaaradda Beeraha Masar, Dr. Attiya Mansuur oo ah Khabiir Biyaha iyo Deegaanka ah.

Wasaarada Deegaanka ee Puntland ayaa dawlada Masar u soo bandhigtay warbixin dheer oo kusaabsan xaalada Deegaanka ee Puntland, shaqooyinka ay wasaaradu hayso, Istaraatijiyadaha iyo qorshayaasha u dagan Wasaarada Deegaanka iyo sidii loo samayn lahaa iskaashi ay Masar iyo Puntland ka yeeshaan arimaha Deegaanka iyadoo laga duukayo baahiyaha bulshada Puntland kuwaas oo ku salaysan helista daaq wanaagsan iyo ka hortaga abaaraha iyo dhibaatooyinka ku dhaca deegaanka.

Qunsulka dawlada Masar ee Soomaaliya iyo waftigii la socday ayaa wasaarada Deegaanka ee Puntland uga mahadceliyey soo dhawaynta ay u samaysay waftigooda iyagoona sheegay inay qorshaynayaan inay Puntland ka caawiyaan dhibaatooyinka abaaraha, Xaalufka iyo Nabaad guurka, Qunuslku wuxuu dhanka kale sheegey in dawlada Masar ay danaynayso inay Puntland maalgashato islamarkaasna ay arimaha deegaanka,beeraha iyo hormarinta Xoolaha Puntland ka caawin doonaan.

Wasiirka Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa dhankiisa u mahadceliyey booqashada ay waftigu kuyimaadeen Puntland waxaana uu sheegey in ay soodhawaynayaan waftiga Masar ee Puntland yimid ayna ka caawin doonaan dhanka Maalgashiga ay danaynayaan islamarkaasna wuxuu wasiirku madaxdii ka socotay dawlada Masar ugu baaqay inay dhankooda ka qaataan la tacaalida Abaaraha ay ku howlantahay Wasaaradiisu iyo ilaalinta daaqa oo uu sheegey inay waxwayn ka tari karto maalgashiga Puntland iyo hormarinta Xanaanaynta Xoolaha Puntland si loogu helo suuqyo caalami ah.

65a

65a1

65a2

65a3

65a4
Puntlandes.com

About The Author