Xildhibaanada Baarlamaanka oo wada mooshinkii la xiriira Dekeda Berbera

04 Marso 2018 (Puntlandes) Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay shaaciyeen inay Baarlamaanka keeni doonaan Mooshin ka dhan ah heshiiska saddex geesoodka ee Dekeda Berbera, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka uu furmo.

67

Xildhibaan Aadan Isaaq oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in kalfadhiga hada furmaya ay ku balansan yihiin inay mooshin ka dhan ah heshiiska Dekeda Berbera.

Xildhibaanka ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid sharci daro ah, isla markaana aanay marnaba la aqbali akrin.

Xildhibaan Aadan Isaaq ayaa yiri “Anaga Heshiiska waa ka hadalnay, waxaa u balansaneyn in kalfadhiga marka uu furmo dooda la guda galo oo mooshin heshiiskaas ku saabsan la soo bandhigo, horay ayaa loo keenay, laakiin mooshinkan wuu kaga duwan yahay in la soo bandhigay saamiga iyo qaabka loo kala qaatay”

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa dhamaadkii sanadkii hore sheegay inay mooshin ka keeneen Imaaraadka Carabta saldhigga Milateri ee Berbera iyo heshiiska Dekeda, laakiin mooshinkaas ayaa markii dambe hoos loo dhigay.

Mowqifka uu Ra’iisul wasaare Khayre ka qaadatay heshiiska saddex geesoodka ee ay saamiga Dekeda Berbera ku qeybsadeen dowladda Itoobiya, Shirkadda DP World iyo Somaliland ayaa waxaa la eegi doonaa in Baarlamaanka go’aamo soo saaro iyadoo ay horay u dhacday in aan la fulin go’aan Baarlamaanka kadib markii uu Baarlaamku laalay heshiiska ay Shirkado Turki ah kula wareegeen Garoonka iyo Dekedda Muqdisho tanina aysan waxba ka duwanayn taas.

Puntlandes.com

About The Author