Sawirro: Wafti ka socda dalka Mac-hadka Tababarka shaqaalah ee Tanzanina oo soo gaarey Puntland (Video)

04 Marso 2018 (Puntlandes) Wafti ka socda mac-hadka tababarka  shaqaalaha ee dalka Tanzania ee Tanzanian Public Service College ayaa soo gaarey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kuwaas oo hawlo shaqo ugu yimi Jaamaca Puntland State University(PSU).

Ujeedada waftigaan ayaa ah sidii ay Mac-hadka Mac-hadka maamulka iyo Maaraynta Puntland ee IPAM ugala shaqayn lahaayeen dejinta Manhajka waxbarashada ee Mac-hadka IPAM kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland.

Waftiga ayaa kula shaqo waxay uga bilaaban doonaan xarunta Jaamacadda PSU kulamadaas oo u dhexayn doona Waftiga iyo Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Mac-hadka IPAM waxaana looga wada hadli doonaa qaabkii loo wada shaqayn lahaa iyo dejinta qorsheyaasha ay kuwada shaqayn doonaan khubaradaan Tanzanian ka ah iyo Wasaaradda.

Wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaraha Puntland ayaa hore heshiisyo dhaxal gal u ah tayaynta shaqaalaha Puntland waxa ay lasoo saxiixdeen Mac-hadka Tanzanian Public Service College si kor loogu qaado tayaynta shaqalaah rayidka ah ee Puntland

.            

Puntlandes.com

About The Author