Shir Kooxda Farsamada ee Arrimaha Federaalka uga socda Nairobi

18

05 Marso 2018 (Puntlandes) Waxaa muddo 5 nmaalmood ah uga socda magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kooxda farsamada arrimaha Faderaalka oo si hoose uga u dhiraandhirinaya arrimaha muhiimka u ah Faderaalka dalka sida:

  1. Tubta Siyaassada loo dhan yahay 2020
  2. Federaalka (Awood qeybsiga, Kheyraad qeybsiga sida shidaalka, kalluumeysiga iyo wixii la mid ah)
  3. Hannaanka doorashooyinka (Election model)
  4. Hannaanka Caddaaladda sida Hanaanka Caddaaladda Federaalka)

Shirkaa waxaa dowlad goboleedyada u matalaya min hal xubin, halka dowladda federaalka ay u matalayaan 4 qof, iyo mid u matalaya gobolka Banaadir iyadoo wadarta guud ay tahayaa 10 xubnood.

Waxaa loo ballansan yahay bishan Marso 28keeda magaaladada Beydhabo oo ay shir isugu tagayaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Dowladda Faderaalka si howlahaas aan kor ku soo sheegnay heshiis looga gaaro.

Waxaase ka horreeya shirka dowlad goboleedyada oo ka dhici doona magaalada Caasimadda Puntland ee Garowe, bishan Maarso 20 keeda si ay si gaar ah arrimaha muhiimka u ah federaaleynta meel gaar ah isula meel dhigaan.

Warbaahinta Puntlandes ayaa idinla soo socodsiin doonta wixii ka soo cusboonaada shirarka Nairobi iyo Muqdishu.

Puntlandes.com

About The Author