Daawo Video: Madaxweynaha Somaliland oo dagaal lagu soo qaaday ku tilmaamay diidmadii RW khayre ee heshiiska Berbera

08 Marso 2018-(Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka  jawaabayey diidmadii Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa ku tiimaamay in dagaal lagu soo qaaday Somaliland, isagoo ku tilmaamay Somaliland dal xor ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

22

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibadda maalinta haweenka Adduunka ee 8-da bisha March, ayaa ku eedeeyey Dawladda fadaraalka Soomaaliya inay soo xusuusinayso dhibaatadii  loo gaystay.

 

Muuse Biixi ayaa yiri “Maalmahanba geeska Afrika, waxa ka socday xiisad cusub oo ay abuurtay dawladda Muqdisho ka dhisani, heshiiskii ay la gashay Somaliland, dawlaha Imaaraadka iyo Itoobiya ee Baayac-mushtar iyo dhaqaale, waxa kasoo baxay arrintii huursanayd ee dadka inta badani aanay hore u ogayn ee ahaa dawladaha Muqdisho ka dhashay, laga soo bilaabo tii Aadan Cadde ilaa taa maanta ee Farmaajo, Caqliga iyo farsafadda ay qabaan, sida ay u hindisoonayaan, halka ay Somaliland marayso, sida la isu maan-dhaafsan yahay, sida aan war la isugu haynin iyo waxa dhex yaalla iyo inaynaan weli isu dhaweyn oo la is maan-dhaafsan yahay iyo inaan warba la isu haynin, waxa inoo sheegay wiilka (ra’isal wasaaraha) dhallinyarada ee reer Norway ee ka taliya ee Ra’isal wasaaraha ahi wixii uu ku dhawaaqay maalintii dhaweyd.”

 

Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri in Somaliland  dhibaatooyinkii kala kulantay Soomaaliya, waxa uu yiri, “Waxan leeyahay war–laawe wiil yar baad tahay, kaskaa baad hadashay, arrintaas aad maanta ka hadashay, cadaawadda aad muujisay iyo waxa aad ku dhawaaqday ee aad tidhi Berbera anaa xukuma, heshiisna lalama geli karo, waxaan leeyahay Allah go’uhu muxuu been sheegay, intii aanad adigu dhalan ee Aabayaasha iyo Awoowayaasha jireena wixii dhacay maad ogayd, laguuman sheegin. Waa taladii Baarlamaankii joogay markii labada dal la isku daray caqligii uu ku yidhi Berberi waa deked yare maraakiibtu Muqdisho ha timaaddo, waa tii uu Aadan-cadde ku saxeexay ee uu ku yidhi, haddii aad noo timaadeen gobollada Waqooyi-yow Caasimaddii annagaa leh, Ra’isal wasaaraha annagaa leh, Labada Taliye-ciidan annagaa leh, guddoomiyaha Baarlamaanka annagaa leh, safiirradana annagaa wada leh, wasiirrada laba mid qaata, waana halkii uu ka curtay saluuggii koowaad.”

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo isagoo colaad abuuraya waxa uu yiri “War ma haysid waxa tan loosoo maray, umadda Somaliland-na dacar bay ku kicisay weedhaadii inankow, wixii dumay iyo wixii dhintay, umad dhan, magaalooyin dhan oo la rogay, dadkii dagaalladaas ku dhintayna jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ku qiyaastay 50,000(konton kun) oo qof, xoollo, qoraal, hanti iyo keyd wixii ay umaddani lahayd baa la waayey, xorriyadda iyo saxeexa ay Somaliland dawladaha la gashay sheeko-barolley, hadal iyo baryo’e dhiigga la huray bay ku timi, maantana tii baa lagu hayaa,”

Hoos ka daawo muuqaalka madaxweyne Biixi

Puntlandes.com

About The Author