Sawirro: R/wasaare kuxigeenka XFS oo shir Tamarta ku saabsan uga qeybgalaya India

09 Marso 2018 (Puntlandes) Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu amba baxay Dalka India,halkaasi oo ay uga qeybgalayaan shir caalami ah oo ku saabsan ka faa’idaysiga Khayraadka Tamarta dabiiciga ah.

Wafdigga ra’iisul wasaare ku-xigeenka Dalka waxaa ka mid ah xubno ka kala tirsan Barlamaanka Federaalka  Soomaaliya  iyo Wasaaradda Arimaha dibadda.

Wafddiga Ra’iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa Magaalada New Delhi ee Dalkaasi India uga qayb galaya shir caalami ah oo looga hadlayo ka faa’iidaysiga Tamarta cadceeda, kaa soo ay wada jir u soo agaasimeen dalalka Hindiya iyo France.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo sii maray magaalaad Nairobi ee Dalka kenya ayaa halkaasi kula kulmay Danjiraha India ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada Dal iyo iskaashiga dhinaca horumarka.

80b

80b1

Puntlandes.com

About The Author