Sacuudiga oo dhexdhexaadinaya Soomaaliya & Imaaraadka

10 Marso 2018 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal xoogan ugu jirto sidii ay u dhexdhexaadin lahayd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

73a

Diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijinaya in dowladda Sacuudiga ay labada dhinac dalabatay kullan, si wada hadal uga dhex furto.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan walaac ka muujisay faragelinta shisheeye ee Imaaraadka Carabta iyo heshiiskii Shirkadda DP World la gashay Somaliland ee ku saabsanaa Dekeda Berbera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa horgeeyay fadhigii Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carbta ay ku yeesheen magaalada Qaahira qaraar ku saabsan walaaca ay ka qabto dawladda Soomaaliya heshiiska DP World iyo faragelinta lagu haayo Qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

Wasiira oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa yiri “Waxaan codsanay in la ixtiraamo Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed in hadda kaddib dal ajnabi ah aanu iska faragelin arrimaha Soomaaliya iyo in heshiisyo lala galo gobolo ka mid Soomaaliya, iyadoo dowladda ogolaan”

Wasiirka ayaa sheegay in qaraarkii Jaamacadda Carabta soo saartay ay ku xaqiijiyeen in Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya ay lama taabtaan yihiin, isl markaana markii ay damceen in la eedeeyo Imaaraadka Carabta uu dal ka mid ah kuwo xiriirka la leh Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu codsaday inuu arrinta dhex galo.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in sidoo kale ay dowladda Itoobiya arrinta heshiiska Dekeda Berbera kala hadleen, ayna ku wargeliyeen in aanay raalli ka aheyn in meel looga dhaco Qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay garawsadeen warkooda, dibna u eegi doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayay Xiisada siyaasadeed oo ka dhalatay Heshiiska Berbera, iyadoo ay ka hortimid dawladda Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author