Dhagayso: Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo khudbadiisii Furitaanka Barlamanka Somalia ku caddeeyey in Sool & Sanaag ka tirsan yihiin Puntland

10 Marso 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi oo goor dhawayd khudbad aad u dheer ka jeediyey Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 3aad ee labada Aqal ee Barlamanka JF Soomaaliya ayaa ku caddeeyey in Gobolada Sool & Sanaag ay ka tirsan yihiin Puntland.

73a1

Gudoomiyaha ayaa yiri “Puntland waxay leedahay Dastuur dhamaystiran oo ay ku cad yihiin Gobolada ay ka kooban tahay iyo xuduudaheeda sida uu qabo qodobka 7aad ee Dastuurka Puntlandsidaas awgeed waxaan soo jeedinaynaa inaysan dhicin wax wada hadal ah oo ay Puntland ka maqan tahay ama yan dhinac ka ahayn oo khuseeya gobolada Puntland gaar ahaan Sool iyo Sanaag oo ay dawladda Fadaarlku la gasho cid aysan arimaha Goboladaas khusayn”

Gudoomiye Axmmed Cali Caashi oo si adag uga hadlay Gardarada iyo Xadgudubka qaawan ee ay wado Somaliland iydoo weerar kusoo qaday Puntland oo Xoog ku qabsatay deegaanka Tukaraq horayna u haysatay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ayaa yiri “waxaan u cadaynaynaa Dawladda Fadaraalka, Beesha Caalamka  iyo cid kasta oo danaysa XASILOONIDA IYO MIDNIMADA Soomaaliya inay Gobolada SOOL iyo SANAAG KA MID YIHIIN DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA, qaybna ka yihiin Dawladda Fadaraalka Soomaliya wakiilada laga soo doortayna ay fadhiyaan labada Gole ee Barlamaanka Soomaliya sidaad awgeed waxaan Cambaaraynaynaa sheegashada iyo xadgudubka aan caqliga iyo cilmiga ku dhisnayn oo ay wadaan kuwa lidka ku ah Qaeranimada iyo midnimada Soomaaliya”

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka fadaraalka inay yareeyaan Mooshinada ayna dawladda Farmaajo shida ka daayaan ulana xisaabtamaan sida sharcigu qabo.

Dhagayso Gudoomiyaha Barlamanka Puntland


Puntlandes.com

About The Author