Dhagayo: Madaxweynaha Soomaaliya oo ka horyimid, si adagna uga hadlay Heshiiska Berbera

10 Marso 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo goor dhawayd khudbadii dastuuriga ahayd ka jeediyey Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 3aad ee labada Aqal ee Barlamanka JF Soomaaliya ayaa  caddeeyey in dawaladiisu ay difaacayso midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya.

73a2

Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay Heshiiska sadex geesoodka ah ee Dekedda Berbera ee Itoobiya, Somaliland iyo Shirkadda DP world isagoo ku tilmaamay mid aan u ehel ahayn midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

Ugu horayn Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Xiriirka aan la leenahay dalalka deriska iyo Caalamaka waa mid ku dhisan is-ixtiraam iyo wadashaqayn, si aan u xoojino danaha aan wadaagno, siyaasadda Arimaha dibadu waa albaabka ay naga soo galayaan dalalka Caalamka sidaas awgeed waxaan qaadanay siyaasad ku dhisan dhexdhexaadnimo.. dhinaca kale dawladda Soomaaliya way ka go’an tahay ilaalinta iyo dhawrista xornimada iyo midnimada dalka Soomaaliya, arimaha Masiiriya ee ku aadan ilaalada midnimada iyo wadajirka Qaranka ee ay hadda ka shaqaynayaan dawladda qaybaheeda kala duwan  waa kuwo loo soo gudbin doono goleyaasha Baarlamaanka si ay uga qaataan talaabada ku haboon iyagoo eegaya dastuurka dalka

Madaxweynaha ayaayiri “Soomaaliya waxay diyaar u tahay maalgashi iyo ganacsi ayla wadaagto wadamada Caalamka si kastaba ha ahaatee cikasta oo doonaysa inay Maalgashato soomaaliya waa inay OGOLAANSHO RASMI AH ay ka haysato Hay’addaha dastuuriga ah ee dawladda Fadaraalka ah…. WAXAAN UGA DIGAYAA wadamada iyo Shirkada Shisheeye inaysan ku xadgudbi karin Qaranimada iyo midnimada Soomaaliyeed

Dhagayso madaxweyne Farmaajo oo caddeeyey in Heshiiska Berbera uu wax u dhimayo midnimada iyo qaranimada Soomaaliya


Puntlandes.com

About The Author