Dhageyso: Madaxweynaha oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha

11 Marso 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa xili uu shalay khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa ee dastuuriga ahayd ka hor jeedinaayay munaasbadii lagu furayay kalfadhigii sedexaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay bixiyaan canshuuraha Dalka si looga maarmo ku tiirsanaashaha kaalmada shisheeye dowladuna u bixiso qarashaadka Ciidamada Qaranka

73a2

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “dawlad ma noolaan karto Canshuur la’aan, waa sida aynu u noolaan karin Hawo la’aan Kalluunkuna uusan noolaan karin Biyo la’aan, macnaheedu waxay tahay markii aanu Candshuurta ururino ayaan waxaan bixinaynaa wixii adeeg ahaa oo loo baahnaa, waxaan bixinaynaa Mushahaaraad fiican…..”

Dhagayso madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya Canshuur bixinta


Puntlandes.com

About The Author