Dawirro: Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo hirgalisay habka casriga ah ee maaraynta Dhaqaalaha,Mashaariicda Shaqaalaha iyo Iibka (IFMS).

11 Marso 2018 (Puntlandes) Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Puntland ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay barnaamijka casriga ah ee maaraynta Dhaqaalaha, Mashaariicda, Iibka, shaqaalaha iyo Maamulka Maaliyada (IFMS) kaas oo ku shaqayn doona qaab Computer-ka si toos ah looga maamuli doono guud ahaan shaqada xaafiisyada Wasaarada iyo Waaxyaha kaladuwan ee Wasaarada waxaana dhismaha qaabkan casriga ah uu noqonayaa kii ugu horeeyey ee Puntland laga sameeyo iyadoo furitaankii Barnaamijkan ay ka qaybgaleen madaxda wasaarada Deegaanka, Hay’adaha wasaarada la shaqeeya, Wasaaradaha iyo hay’adaha kaladuwan ee dawlada Puntland.

Eng. Cabdiraxmaan Shiikh Salaad Jawle oo ah Mulkiilaha shirda Sodan Tec Inc. oo iyadu ku guulaysatay hirgalinta barnaamijkan maamulka Maaliyada, shaqaalaha, Mashaariicda iyo Iibka ee wasaarada Deegaanka ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in maanta ay si rasmi ah ugu wareejiyaan Wasaarada Deegaanka kadib markii mudo sanad ah ay soo wadeen dhismaha Barnaamijka casriga ah iyo tababarida shaqaalaha kaladuwan ee wasaarada Deegaanka kuwaas oo imika awood u leh inay si rasmi ah ugu shaqeeyaan Barnaamijkan, Eng. Abdiraxmaan dhanka kale wuxuu sheegey in dhamaan arimihii looga baahnaa dhismaha iyo hirgelinta barnaamijka ay dhamaystireen waxaana goobta uu kusoo bandhigay sharaxaad ku saabsan qaabka loo maamulayo barnaamijkan.

Agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Cabdicasiis Nuur Cilmi (Koor) oo ka hadlay daahfurka barnaamijkan ayaa sheegey in wasaarada Deegaanku ay dadaal wayn u gashay sidii loo hirgelin lahaa waxaana uu agaasimuhu intaas kudaray inay sii bilaabeen tijaabinta habkan casriga ah ee qaabka Computerizedka ah loogu maamulayo qaybaha kaladuwan ee wasaarada.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka iyo madax ka socotay hay’adaha iyo wasaaradaha kaladuwan ee ee Puntland oo Iyana ka hadlay hirgelinta barnaamijkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin in barnaamij noocan oo kale ah Puntland laga hirgelin karo waxaana ay sheegeen inay kudayan doonaan Wasaarada Deegaanka islamarkaasna ay degdeg u hirgelin doonaan si looga boxo kalsooni la’aanta dhanka maamulka Maaliyada ah ee marar badan lagu dhaliilo guud ahaan wasaarada iyo xarumaha dawlada ee Soomaalida iyadoo sanadwalba Soomaaliya lagu sheegey inay kaalinta koowaad kaga jirto Musuqmaasuqa taasina ay sabab u tahay hababka aan casriga ahayn ee lagu maamulo maaliyada dalka.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada Mudane, Maxamuud Ciise Xaaji Maxamed “Maareeye” oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay in wasaarada Deegaanku ay noqotay wasaaradii ugu horaysay ee Puntland ka samaysa habkan casriga ah ee “IFMS” waxaana uu sheegey in uu rajaynayo in laga guuri doono waraaqaha oo loo guuri doono Habkan oo aduunka oo dhan looga shaqeeyo.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo bandhigida barnaamijkan ka hadlay ayaa sheegey in Wasaaradiisu ay xooga saartay sidii loo dhisi lahaa nidaam maaliyadeed oo sax ah islamarkaasna casri ah, Wasiirku wuxuu u mahadceliyey Midowga Yurub “EU” iyo Hay’adda Care Somalia oo iyagu barnaamijka maalgalintiisa ka caawiyey wasaarada iyo shirkada wadaniga ah ee Sodan Tec Inc. oo iyadu hirgelisay barnaamijkan, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame wuxuu sheegey in habkan casriga ah ee maamulka Maaliyada, Mashaariicda, Iibka, Shaqada iyo Shaqaaluhu uu noqonayo midkii ugu horeeyey ee Puntland laga hirgeliyey waxaana uu sheegey in tani ay qayb ka qaadan doonto daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka shaqada iyo shaqaalaha waxaana uu hay’adaha iyo wasaaradaha kaladuwan ee Puntland ugu baaqay inay sidaasoo kale u sameeyaan.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18
Puntlandes.com

About The Author