Daawo Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo khudbadiisii Furitaanka Barlamanka Somalia u ku caddeeyey in Sool & Sanaag ka tirsan yihiin Puntland

11 Marso 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Barlamanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa shalay ka jeediyey khudbad aad u dheer Munaasabada Furitaanka kalfadhiga 3aad ee labada Aqal ee Barlamanka JF Soomaaliya ayaa ku caddeeyey in Gobolada Sool & Sanaag ay ka tirsan yihiin Puntland.

87a2

Gudoomiye Axmmed Cali Caashi oo si adag uga hadlay Gardarada iyo Xadgudubka qaawan ee ay wado Somaliland iydoo weerar kusoo qaday Puntland oo Xoog ku qabsatay deegaanka Tukaraq horayna u haysatay qaybo ka mid ah Gobolka Sool ayaa yiri “waxaan u cadaynaynaa Dawladda Fadaraalka, Beesha Caalamka  iyo cid kasta oo danaysa XASILOONIDA IYO MIDNIMADA Soomaaliya inay Gobolada SOOL iyo SANAAG KA MID YIHIIN DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYA, qaybna ka yihiin Dawladda Fadaraalka Soomaliya wakiilada laga soo doortayna ay fadhiyaan labada Gole ee Barlamaanka Soomaliya sidaad awgeed waxaan Cambaaraynaynaa sheegashada iyo xadgudubka aan caqliga iyo cilmiga ku dhisnayn oo ay wadaan kuwa lidka ku ah Qaeranimada iyo midnimada Soomaaliya”

Gudoomiyaha Barlamanka Puntland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka fadaraalka inay yareeyaan Mooshinada ayna dawladda Farmaajo shida ka daayaan ulana xisaabtamaan sida sharcigu qabo.

Daawo khudbadii Godoomiyaha

Puntlandes.com

About The Author