Dhagayso: Xeerka Golaha Shacabku ansixiyeen oo dalka looga mamnuucay shirkada DP World oo aan KHUSAYN Dekeddaha Bosaso & Muqdisho

12 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta ansixiyey xeer loogu magac daray “XEERKA DHOWRIDDA GOBONIMADA IYO MIDNIMADA GEYIGA SOOMAALIYEED”.

88a5

Xeerkan Golaha Shacabku ansixiyeen  oo dalka looga mamnuucay ama looga cayriyey shirkada DP World ayaan KHUSAYN Dekeddaha Bosaso iyo Muqdisho, kuwaas aoo ay maamulaan shirkado kale soona maray Golayaasha dawladda.

Dekedda Bosaso ayaa waxaa dhisaysa, ballaarinaysa oo casriyeynaysa Shirkadda P&O, halka dekedda Muqdisho ay maamusho shirkadda Albayrak Group, kuwaas oo aan khusayn Xeerka uu maanta Golaha Shacabku Ansixiyey oo dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World.

Xeerkan ayaa waxa uu khuseeyaa oo kaliya Dekedda Berbera oo heshiis ku kala saxiixdeen Itoobiya, Somaliland iyo Shirkadda DP World.

 

Dhagayso warbixin ka hadlaysa arintan oo BBC diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author