Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya oo Shir Wada tashi ah ka Furtay Garowe

13 Marso 2018 (Puntlandes) Shir wadatashi ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Hormarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad Gobaleedka Puntland.

88d6

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa Qorshaha ka soo kabashada iyo u adkaysiga abaaraha Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Madaxda Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Qorsheynta Dowladda Gobaleedyada Xubnaha ka ah Dowladda dhaxe.

Mundane Cabdi qaadir Aadan Maxamed Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey ujeedka shirkaan, waxaana uu sheegay in ay tageen gobolada dalka oo dhan si ay u oggaadaan baahiyaha kala duwan ee jira, isaggoo xusay in shirkaan gabo gabadiisa ay kasoo bixi doonaan qorsheyaal.

Shirkan ayaa socon doona muddo 4 cisho ah, iyaddoo si gaar ah diirada loogu saari doono mudnaansiinta baahiyaha soo kabashada iyo u adkeysiga abaaraha.

Puntlandes.com

About The Author