Sawirro: Guddoomiyaha G/banaadir oo Isbitaalka Digfeer ku booqday Iiimaan C/raxmaan

13 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaaladda Muqdisho, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow iyo Masuuliyiin ka tirsan Maamulka, ayaa Isbitaalka digfeer ku booqday Iiimaan C/raxmaan oo ah Gabar laga keenay Magaaladda Gaalkacyo, islamarkaana la xanuunsan Kansarka Dhiiga iyo Dhuuxa ku dhaca.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa waxa uu qeylo-dhaan u sameeyey shacabka gobolka Banaadir ku nool, isaggoo u weydiiyey yabooh dhiig nooca B oo xaqiiqdii ah mid dadka noocaas ah ay yar yihiin iyo yabooh dhaqaale, si waddanka Turkiga loogu daweeyo Iiimaan C/raxmaan.

Lagacta lagu daweynayo Iimaan ayaa  waxaa lagu qiyaasay ilaa $250,000, waxaana dadka Soomaaliyeed ilaa hadda ay u ururiyeen $106,000 iyadoo ay ka dhiman tahay $144,000 waxaana ummadda soomaaliyeed guud ahaan iyo gaar ahaan shacabka Muqdisho laga codsaday inay kaalmeeyaan walaashood u baahn caawintooda.

 

88d7

88d8

88d9

88d10

88d11

88d12

88d13
Puntlandes.com

About The Author