Daahir Amiin Jeesow “Guddoomiye Jawaari wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu isaga leeyahay”

14 Marso 2018 (Puntlandes) Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa ka warbixiyay sababta ay Mooshinka uga keeneen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jawaari, isagoo sheegay inuu hagi waayay howlaha Baarlamaanka u yaalla kana dhigay Golaha meel uu qof leeyahay.

88e8

Xildhibaan Jeesow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowr ah oo saaka qabtay shir jaraa’id oo lagu soo bandhigay Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in illaa 108 Xildhibaan ay saxiixeen Mooshinka, isla markaana isku qanciyeen in Jawaari uu wadi waayay Baarlamaanka

Xildhibaan Jeesow ayaa yiri “Waxaa maanta Mooshinka uga keenay Guddoomiye Jawaari waxaa sabab u ah inuu Baarlamaanka hagi waayay, labo jeer ayaa dooranay, Baarlamaankii 9aad ayuu hoggaaminayay, wuxuu ka dhigay Baarlamaanka mid uu qof leeyahay”

Sidoo kale waxaa uu ku eedeeyay maamul xumo iyo tagri fal, isla markaana xaruntii Baarlamaanka Golaha shacabka ay muuqaal wanaagsan yeelan weyso, taasna uu sababteeda leeyahay sida uu yiri.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey ayaa saaka ka guddoomay mooshinka ay gudbiyeen Xildhibaanada oo tiradii loogu tala galay saxiixday oo ah saddex meelood hal meel.

Si kastaba ha ahaatee mooshinka soo if baxay ayaa ahaa mid aan la fileyn, iyadoo saacadihii u dambeeyay lagu baraarugay mooshinka laga waday Jawaari, waxaana dhinaca kale barbar socda mooshin laga wado Ra’iisul Wasaare Khayre.

 Puntlandes.com

About The Author