Akhriso Mooshin ka dhan ah Guddoomiye Jawaari oo laga gudbiyay iyo qodobo lagu soo eedeeyay

14 Marso 2018 (Puntlandes) Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo xildhibaano badan aya wadaan.

88a4

Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa, isagoo si xawli ah ku socday ololaha lagu saxiixayay Mooshinka.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ku dhow dhow Madaxtooyada iyo Wasiiro Xildhibaano ah ayaa la sheegay inay wax ka saxiixeen Mooshinkan.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka, waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay.

Mooshinkan laga gudbiyay Guddoomiye Jawaari, isla markaana uu qabtay Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/wali Muudey ayaa ka dhigan in wixii hada ka dambeeya aanu shir guddoomin karin kulamada Baarlamaanka, inta uu Mooshinka ka yaallo sidaasna uu ku yahay Xildhibaan caadi ah.

Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka oo maalmo ka hor furmay ayaa la saadaalinayaa inay hareyn doonaan mowjado qalalaase siyaasadeed ah iyo khilaaf soo kala dhex gala Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo soo if baxay xilli aan la fileyn.

Hoose ka akhriso qoraalka Mooshinka ka dhanka ah Jawaari iyo qodobada lagu soo eedeeyay

88e6

Puntlandes.com

About The Author