Sawirro: Qayb kamid ah Qalabkii waddada Ceeldaahir & Ceerigaabo oo maanta Dekedda Bosaso kasoo degey

15 Marso 2018 (Puntlandes) Waddada Ceeldaahir  & Ceerigaabo oo ay dawladda iyo shacabka Piuntland si isku Tashi u dhisanayeen ayaa waxaa maanta Dekedda Bosaso kasoo degey qayb kamid ah Qalabkii Daamurka iyo jayga lagu saari lahaa.

Dhismaha Wadada oo galaya wajigii labaad ayaa Qalabkaan lagu bilaabi doonaa Laami saarka waddada, waxaana u yimid qalab Casri ah. oo anfici doona dhismaha wadooyinka Puntland.

Dhismaha wadadaan iyo barnaamijkeeda isku tashiga ah ayaa waxay ka mid tahay guulaha ay gaartay Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Dr cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qalabkaan cusubi waa hanti uu leedahay shacabka Puntland oo loo adeegsan doono dhismaha waddooyinka dhammaan gobollada kale ee Puntland.

Hal ku dhiggii Madaxweynaha dawladda Puntland maanta wuxuu marayaa meel uu ku hirgalay, waxaana maanta la guranayaa mirihiisii. Tani waa Horumarkii ugu waynaa oo ay shacabka reer Puntland gaaraan iyagoon dawarsanayn Ajanabi.

90

90a1

90a

Puntlandes.com

About The Author